Sepp Blatter iyo Michel Platini Oo Racfaan Ka Qaatay Go’aankii Ay FIFA Kaga Xabintay Dhaqdhaqaaqa Kubadeed

0
1088

Blatter and Michel Platini

Sepp Blatter iyo Michel Platini ayaa racfaan ka qaatay go’aankii ay gudiga anshaxa ee FIFA ay uga ganaaxeen mudada 90ka cisho ah dhamaan waxyaabaha la xiriira kubada cagta.

 

 

Sidii aan shalay idiin oo gudbinayba labada nin iyo xogyihii xilka ka tagay ee FIFA ayaa laga ganaaxay dhamaan waxayaabaha kubada cagta la xiriira kubada cagta. Laakin  taasi kama aysan joojinin iney racfaan ka qaataan ganaaxaas.

Saaxibka ahna la taliyaha Blatter oo lagu magacaabo Klaus Stohlker, ayaa yiri” Racfaan ayuu ka qaatay Blatter ganaaxii lagu soo rogay, wuxuu difaacanayaa booskiisa, wuxuuna hubaa inaan lagu heli doonin wax danbi ah”.

Platini ayaa isna la fahansan yahay inuu isna racfaan ka qaatay xanibaadaan, waxayna Sky Sports sheegeysaa iney fahansan yihiin in Platini uusan caawinaad ka heli doonin qaar kamid ah wadama yurub iyo xiriiradooda, laakin waxaa taageero buuxda u fidin doona xiriirka UEFA iyo qaar kamid ah wadama ugu waa weyn ee yurub sida France iyo Spian.