Shahid Kapoor Oo Ka Hadlay Nolosha Uu La Wadaagay Mira Rajput Iyo Arimo Kale

0
2638

Shahid Kapoor bishii July ee aan kasoo gudubnay wuxuu la aqal galay gabadha quruxda badan ee reer Delhi kasoo jeedo Mira Rajput.

Hadaba atoorahan laga daba dhacay ayaa markii ugu horeesay ka hadlay nolosha uu la wadaagay Mira Rajput iyo arimo quseeyo xiriiradii kala duwanaa ee uu soo sameeyay.

Shahid wuxuu yiri “Waxaan xiriir kala duwan lasoo yeeshay gabdho fanka ka tirsanaa oo aan waqti lasoo qaatay”

“Balse waxaa ka wanaagsan inaad guursatid qof aan caan ahayn, waana ku faraxsanahay nolosha aan haatan la wadaagayo Mira Rajput”

“Sidoo kale farxad gaar ah ayay ii tahay inaan noqdo qof masuul ah sidoo kalena aan helo qof si wacan ii garab taagan xili walbo”

“Culeeskii nolosha ee aan kaligey marwalbo go’aan qaadan jiray waan ka baxay, maanta talo walbo qoyskeyga ayaan la wadaagaa”

“Xitaa filimada aan dooranayo qoyskeyga ayaan kala tashtaa waayo guul darada aan la kulmo xitaa xaaskeyga wey saameyn kartaa”