Sharci ahaan: Saddex shay laguma dheelo, waxaana la sugay in dhabtooduna ay dhab tahay, dheeshooduna ay dhab tahay

0
975
Sheekh Maxamadeyn
Sheekh Maxamadeyn

Haddii uu qoysku soo dhexgalo muran iyo is-afgaranwaa,waxaa waajib ah in ay hal meel wada fadhiistaan oo ay xaliyaan mashaakilka soo dhexgalay,haddii ay xalin waayaana,waa in ay markaasi arrintooda u bandhigaan ama soo dhexgalaan dad qaraabada ah oo ka socda labada ehel,Allah wuxuu yiri:haddii aad ka baqdaan khilaafka soo dhegala dhexdooda, macnaha waxaa loola jeeda labada is qaba, u bixiya,xaqsoore ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah,haddii ay doonaana wanaajinta Allah wuu is waafajin dhexdooda,Allahna wax walba wuu og yahay wax walbana khabiir buu u yahay,waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba (suuradda Annisaa´,aayad lambar 35),laakiinse waxaa nasiib xumo ah in qoysas  badan oo Soomaali ah diinta islaamkuna ku abtirsada ay baal mareen in arrimahooda ay ku xaliyaan kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama, waxayna ka door bideen in khilaafkoodu ay ku xaliyaan wax ka soo horjeeda shareecada islaaamka,waxayna ku dhaqaaqeen in khilaafkooda ay ku xaliyaan been iyo khiyaano,Rabbi baan ka magangalnaye.

Qoysas Soomaaliyeed oo fara badan markii ay arloda gaallada ah u soo haajireen,waxay rumaysteen maahmaahdii dhalanteedka ahayd oo oranaysay:nin iyo naag is qaba colna ma’ahan nabadna ma’ahan,haddana waxay maahmaahdaasi u farsameysteen,maahmaah kale oo oranaysa:furriinka beenta ah waa u xal qoysaska arloda gaallada ah jooga oo khilaaf soo dhexgala,macnaha waa in ay yiraahdaan oo ay ku yiraahdaan gaallada ay la joogaan oo ka qaata lacagta shaqada ama lacagta loo yaqaano caydha isma qabno,marka ay dadka muslimiinta ah la joogaana ku yiraahda:waan is qabnaa,furriinkiina waxay ka dhigeen wax lagu cayaaro oo been laga sheego,waxaase xaqiiqa ah in haddii aad ku tiraahdo qof lacag ku siiyay kuna soo dhoweeyay,ama gaal ha ahaado ama muslim ha ahaadee xaas ma lihi ama xaaskaygu waan furay oo been ah,waxaad ogaataa in ay kaa furan tahay,maxaa yeelay furriinku wuxuu ka amid yaha waxyaabaha aan lagu cayaari karin, sunnooyinka abu Daawuud,Tirmidi iyo ibnu Maaja waxaa ku xusan xadiis uu sooo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri:saddex dhabtooda waa dhab dheeshooduna waa dhab,waxayna saddexdaasi kala yihiin:nikaaxa, furriinka iyo dib u soo celinta,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku taxsiiniyay kitaabkiisa caanka ah ee saxiixul jaamic lambar 3027

Furriinkaas beenta ahi waa u bareerid fal beeneed ah iyo fal khiyaaneed ah,qofka muslimka ahina,waa in uu sharraf iyo karaamo leeyahay,qofka gaalka ahna wuxuuba ku soo islaami karaa markuu arko qof muslim ah oo run sheegayo,falka beenta iyo khiyaanaduna waa falka lagu garto munaafaqa,saxiixul Bukhaari lambar 33 iyo saxiixu Muslim lambar 59 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:calaamadaha lagu garto munaafaqa waa saddex: markuu hadlayo been buu sheegaa,markuu ballan qaadana wuu ka baxaa,marka wax lagu aaminana wuu khiyaameeya.

Arrinka noocan oo kale ah oo qoysaskii khilaafkooda ku xalinayo furriinkaas beenta ah, waa qoysaska aan iimaanka lahayn,waa qoysaska aan xalaasha iyo xaaraanta  u kala soocnayn,waa qoysaska adduun jacaylka qaadday,haddii arrinka si dhab ah loo fasirana waxay noqonaysaa:xalaal baan isku qabnaa,haddana xaaraan baan isku qabnaa,mana noqon karto xalaasha iyo xaaraanta in laga dhigo sida la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan.

Ma’ahan in sharciga la fududaysto ama waxa ay maskaxdaadu ku tusto aad u hoggaansato ama waxa ay hawadaadu kuu qurxiso aad raacdo,macnaha sida aad adigu rabtid in aad ku fatwooto ma´ahan,separatekuna ama furriinka beenta ah waa arrin xaaraam ah,umana noqon karto xal ninka iyo naagta is qaba oo xalaasha isku qaba,nikaaxa sharciga ahna soo maray, laakiinse xal waa u noqon kartaa kuwa aan Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu caleyhi wasallama ka baqaynin oo nikaaxooduba fuxshi iyo munkar ku bilowday,shaqana aan ku lahayn kalana garanayn furriin iyo nikaax iyo fasakh.

Beenaalayaashaasi oo ah ninkii iyo naagtii sidaas isku qabay oo falkaa khiyaanada ah u bareeray,waxay sidaas u samaynayaan xoogaa lacag dheeraad ah oo ay ku helayaan beentaas iyo   khiyaanadaas,Allah wuxuu yiri: kuwaasi waa kuwo nolosha adduunka ku iibsaday aakhiro,lagamana fududeeyo xaggooda cadaabta loomana gargaaro (suuradda al-baqaraa, aayaad lambar 86),waxaaba ka sii daran in aad arkayso in kuwaasi oo ku maamulaya waliba kuu wacdinaya kuuna sharxaya qowlka Allah iyo qowlka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,balse waxaaba dhici karta in ay kuugu wacdiyaan:war muslimiintow beenta yaan la sheegin,beenta waa xaaraane,dadkiina waxay noqdeen dad afkooda juuqda gabay,iyagoo og xaalka beenaalayaashaas ayay haddana wacdigooda dhegaysanayaan,inta Allaha u naxariistay mooye oo ka dhiidhiya beenta ay dadka u sheegayaan,kuna yiraahda:war ka jooga diinta haku cayaarina,sheekaduna yey idinka noqon kuwa yiraahda: cilmigeena qaata camalkeena iska daaya,waana in kuwaasi la xusuusiyaa in uu Allah yiri:kuwii xaqa rumeeyay,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa rumeeyay,maxaad u sheegaysaan wax aydan falaynin (samaynaynin) (suuradda Asaf,aayad lambar 2).   

Qof kasta oo muslim ah waliba uu deggan yahay arloda aan muslimka ahayn,kana shaqaysto ama ka qaata lacagta caydha loo yaqaano,waa in uu muujiyaa ixtiraam iyo sharraf,waana inuu u muuqdaa qof muslim ah oo nadiif ah oo akhlaaq leh,waxaana waajib ku ah in uu runta sheego,waayo beenta  waxay ka soo horjeeddaa runta,runtuna waxay kuu horseedaysaa khayrka,saxiixul Bukhaari lambar 6094 iyo saxiixu Muslim lambar 2607,waxaa ku xusan xadiiska uu soo weriyay Cabdullaahi ibnu Mascuud Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:waxaa la idinka doonaya in aad la timaadaan runta,waayo runta waxay kuu horseeddaa khayrka,khayrkuna wuxuu kuu horseedaa jannada, qofku haddii uu run sheegayo waxaa Allah xaggiisa looga qoraa in uu runlow yahay,beentuna waxay kuu horseeddaa xaq seegid,xaq seegidduna waxay kuu horseedaysa naarta,qofku haddii uu ku socdo beenta waxaa xagga Allah looga qoraa beenlow.

 

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa in uu jimcaha danbe iyo mowduuc kale haddii Allah idmo

Den Haag/Holland