Sheekada Filimka Jazbaa Iyo Aishwarya Rai Oo Soo Labasho Aan Caadi Ahayn Sameesay

0
1767

Jazbaa

Aishwarya Rai Bachchan wey soo rogaal celisay mudo 5-sano kadib waxayna la timid filimka Jazbaa oo ay hogaamiye kowaad iyada ka tahay.

Filimkan Sanjay Gupta sameeyay ayaa indhaha lagu wada hayay sheeko ahaan iyo miisaanka uu leeyahay madaama Aishwarya Rai soo laabashada ay sameyn karto la wada dhoorayay.

Jilaayaasha filimkan: Aishwarya Rai Bachchan, Irfan Khan, Shabana Azmi, Jackie Shroff, Anupam Kheyr iyo kuwo kale

Jazbaa wuxuu ku bilabaanaa ayadoo laga faaloonayo Anuradha Verma (Aishwarya Rai Bachchan), waa gabar abuukaate sidoo kalena arimaha fal dambiyeedka xukunadooda ka qayb qaadato waxayna caan ku tahay inaysan waligeed kiisk ku guul dareesanin.

Anuradha Verma (Aishwarya Rai Bachchan) waxay hooyo u tahay gabar dhalin yar oo lagu magacaabo Sanaya (Sara Arjun) sidoo kalena labadooda oo kaliya ayaa wada nool.

Anuradha Verma aad ayay u jeceshahay gabadheeda Sananaya waxayna seygeeda ku kala tageen in markii hore uu rabay inay Wiil u dhasho kadibna uu nolosha u firaaqeeyay markii ay gabar ku curatay.

Aish

Maalin maal maha ka mid ah ayaa Anuradha gabadheeda Sanaya laga afduubanaa waxaana soo wacayaan qolo burcad ah, lacag kama rabaan balse gabadheeda waxay u heestaan madax furasho ah inay u doodo sidii xabsiga looga soo saari lahaa dambiilaha weyn Nayaaz (Chandan Roy Sanyal).

Anuradha danta ayaa ku qasbeyso inay baadi goobto cadeymo iyo waraaqado ay ugu doodeyso inay dambiile Nayaaz (Chandan Roy Sanyal) xabsiga kasoo bixiso.

Laakiin Nayaaz (Chandan Roy Sanyal) waa ninkii kufsaday sidoo kalena dilay gabadha dhalinta yar Sia (Priya Banerjee), waxaana gabadhan dhashay Garima Chaudhary (Shabana Azmi) oo ah Professor siweyn bulshada ay u qadariyaan.

Anuradha waaga ayaa ku baryaayo madaama gabadheeda gacanta lagu heesto sidoo kalena laga rabo inay bad baadiyo nin dambiile ah oo geestay fal aad u xun!!

Yohaan (Irrfan Khan) waa askari shaqada laga fariisiyay kadib markii lagu eedeeyay inuu musuq maasuq sameeyay laakiin waa nin qalbi nadiif ah leh.

Yohaan (Irrfan Khan) wuxu u istaagaa inuu caawiyo Anuradha markii uu ogaado dhibaatada ay ku jirto, hadaba Yohaan (Irrfan Khan) maku guuleesan doonaa inuu soo bad baadiyo Anuradha gabadheeda oo gacanta ugu jirto burcad halis badan lagala kulmi karo.

Yohaan (Irrfan Khan) iyo Anuradha waxaa dhex maraayo jeceyl balse aan miro dhal laheyn madaama qof walbo hawl culus hortaalo.

Hadaba Anuradha gabadheeda ayadoo nabad qabto dib ma heli doontaa?

Yohaan (Irrfan Khan) maku guuleesan doonaa soo bad baadinta gabadha Anuradha?

Sidoo kale Anuradha iyo Yohaan (Irrfan Khan) jeceylkooda ma noqon doonaa mid guuleesto madaama caqabada badan horyaaliin?

Macalimada bulshada sumcada ku dhex leh Garima Chaudhary (Shabana Azmi) ma arki doonaa in cadaalada la horgeeyo ninkii gabadheeda kufsaday sidoo kalena dilay?

Director Sanjay Gupta wuxuu mudan yahay amaan balaaran madaama uu filimka Jazbaa  u sameeyay isku xir xiiso badan sidoo kalena qaabka uu sheekada u dhigay ayaa ah mid aan laga caajiseynin filimkan xiisaha badan.

Aishwarya Rai Bachchan soo laabasho aan caadi ahayn ayay sameesay weliba filimka Jazbaa iyo dhibkiisa garbaha ayay u dhigatay, waxaana lagu tilmaami karaa bandhiga ay sameesay midkii ugu wanaagsanaa oo ay dhawaanahan la timaado!

jaz

Inaba caadi ma ahan sida ay u matashay hooyo dhibane ah sidoo kalena qalbi jileec aan lahayn iyo xaaladaha adag sida ay kaga guuleysaneyso, waxay mudan tahay Aish in filimkan abaal marin lagu siiyo doorkeeda wacan.

Irfan Khan oo shaashada kasoo muuqday waligiis amaan la’aan ma bixin inkastoo Jazbaa uusan atoore kowaad ka ahayn hadana doorka uu ka qaatay iyo sida uu Aishwarya ula matalay ayuu xidigan sacab badan ku helay.

Waxaaba la dhihi karaa Irfan Khan waa atooraha kaliya ee hadii door dhameestiran la siiyo iyo door dhex dhexaad ah in marwalbo uu amaanta isaga qaadanayo!

Ruug cadaa Shabana Azmi si wacan ayay kaalinteeda u qaadatay weliba waxay ka mid tahay dadka cusbada u yeelay filimka Jazbaa sidoo kalena sheekada filimkan udub dhexaad u ah.

Dhamaan xidigaha kale ee doorarka caawiyaha ah ka qaateen filimkan Jackie Shroff, Priya Banerjee, Siddhant Kapoor, Chandan Roy Sanyal and Atul Kulkarni mid walbo wax loo riyaaqay ayuu shaashada kasoo muujiyay.

Ugu dambeyntii Jazbaa waa filim qof walbo oo daawado uu ka heli doono weliba sheekadiisa qayaanada iyo cabsida ku dheehan ayaa ah mid aad loola dhacay.

Fadlan Hoos Ka Daawo Goos Gooska Filimka Jazbaa:

402 total views, 402 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan