Sir Alex Ferguson: Waan Ka Walwalsanahay Klopp, Isaga Waa Macalin Guuleyste Ah Ana Ma Doonayo In Liverpool Ay Guulo Gaarto

0
1110

Klopp On Liverpol

Macalinka halyeeyga ah ee kooxda Manchester United Sir Alex ferguson ayaa sheegay inuu ka naxay in Liverpool ay shaqada macalinimo ee kooxdeeda u magacawday macalinkii hore ee Borussia Dortmund Jurgen Klopp, isagoo sheegay in macalinkaan uu guulo ku gaari doono Anfield.

Fregusn ayaa sheegay inuu haatan ka cabsi qabo in garoobka Anfield uu kusoo laabto wadada guulaha maadaama uu qabtay macalin adag, laakin wuxuu sheegay in isaga ay taasi dhibeysi wuxuuna yiri” Hagaag, waa magacaabis fiican waan la dhacsanahay, waana aqaanaa Jurgen waliba si fican, waxana ku bartay shirarkeenii Geneva, wuxuu leeyahay awood shaqsiyadeed, aad u xoogan, guulaha wuu u dhashay, waxaa ka go’an qaab ciyaareed iyo, waayihii Dortmund ee xidigaha ku laalnaa ayaana sheegaya wax kasta”.

Macalinkii hore ee United ayaa sheegay inuusan jecleyn in Liverpool ay guulo gaarto wuxuuna yiri “Ma doonaya inaan sidaasi iraahdo, laakin inuu tago Liverpool ma aanan jecleysan, howl wanaagsan ayeey qaban doonaan ana ma doonayo iney howl wanaagsan qabtaan”.

Dhanka kale Ferguson ayaa su’aal ka keenay gudiga suuqa ee kooxda Liverpool wuxuuna yiri “Maxay shaqo u siinayaan macalin hadii uusan isaga maamuleyn suuqa ? ila ma aha in go’aankaasi uu sii shaqeyn doono, markii ay wada fadhiyeen miisaska si ay u magacaabaan macalin, miyeey yiraahdeen, Waxaan magacabeynaa macalin ee gudiga suuqa miyaan ku darnaa ?, aniga waxaan qabaa in go’aankooda uu qaldan yahay, ma filayo in Jurgen Klopp uu aqbali doono halaguu soo iibiyo ciyaartooyda”.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.