Siyaasada Suuqa, Rajadiisa Xili Ciyaareedkaan, Inuu Yahay “The Normal One” Iyo Wax Waliba Uu Klopp Ugu Hadlay Shirkiisi Jaraa’id Ee Ugu Horeeyay Ee Liverpool

0
1154

Klopp this Anfield

Macalinka Liverpool auaa qabtay shirkisi jaraaid ee ugu horeeyay isagoo ah macalin Liverpool , hadaba halkaan ka bogo dhamaan waxyaabihii uu ka hadlay.

Jurgen Klopp ayaa ka hadlay farxada ah maamulista Liverpool wuxuuna yiri “Waxaan ahay mucaashaq kubadeeda, waan jeclahay dhamaan sheekooyinka la xiriira kubada cagta iyo taariikhdooda, dabcana Anfield waa mid kamid ah meelaha ugu fiican ee kubad lagu ciyaaro, markaan waa markii iigu horeysay ee aan si fiican u fiiriyo kana fakaro sida ay noqoneyso, hada waxaan joogaa halkaan waxayna iila muqataa inaan runtii ahay qof nasiib leh, xaqiiqdi waa waqti igu fiican waqtigaan, xaqiiqdii aad ayaan u sugi la’ahay inaan tababaro kooxda kowaad, waan diyaarsanahay, waan qanacsanahay, afar bilood aan nasanaayay, wax waliba waa ay toosan yihiin, waxaan ku jiraa xaaladii ugu fiicneyd”.Jurgen Klopp 2

Soo Celinta kalsoonida jamaahiirta.

“Waa inaad badashaa aragtida shakiga badan qabtaa, waa ina si wadajir ah u bilownaa wax cusub, “kadibna waan arki doonaa wixii dhacay, waa inaan badalnaa qaab ciyaareedkeena waayoo haatan ma jirto cid qanacsan, laakin mararka qaar kuma qanceysid waxyaabaha socda hadii aysan aheyn horumar waayoo lacag badan ayaad bixisay

“Haka fakarin kaliya lacagta, kaliya ka fakar kubada cagta, hadii aad dooneysid inaad kubada ku raaxeysatid waan u diyaar garowadaa kaliya taas, waa inaa  garonka la tagnaa wax cusub, dagaal, isbiirit, jawi kacsan, laadad badan, dhamaan waxyaabahaan, hadii aad intaas sameyso natiijana aadan gaarin wax kale ayaa jira”.

Klopp On Liverpol

KLOPP Oo Ka hadlayay Suuqa

 

 

“Waa xaalad waali ah, waa mowduuc waali ah, waan maqlay waxyaabihii socday, laakin ma ahan dhibaato lagu xalin karo 10 ilbiriqsi, haa waan ka hadalnay, laakin ma ahi doqon mana doonayo inaan noqdo doqon, waan falaaqeyn doonaa waxliba, hadalka koowaad iyo kan ugu dnabeya anaa iska leh, laakin inta u dhexeysa waan ka doodi karnaa, waxaan ka doodi doonaa ciyaartooyda ugu fiican, waxaan ka doodi doonaa heerka ugu sareeya, waxaan rajeynayaa sidaas, ma ahi cabqari, mana doonayo inaan noqdo qof aduunka kale ka duwan, waxaan doonayaa in dadka ay helaan warbixinada ugu fiican ee ay iga heli karaan, mar aan xaaladahaan dhan qiimeyno waxaan iibin doonaa ama soo iibsan doonaa ciyaartooy, waana wax aad u fudud in la falaanqeeyo”.

Miyeey Horyaalka ku tartami karaa?

Jurgen Klopp ayaa yiri “Kani waa mid kamid ah kuwa ugu dhuibka badan ee ay Liverpool qabto, Premier League waa mid kamid ah horyaalada ugua dag caalamka, waayoo lix, shan, todobo koox ayaa ku tartamaya, laakin ugu dnabeyn kaliya hal koox ayaa horyaalka qaadi doonta, inta kale dhan waa ay niyad jabi doonaa, waxyana dhexda ka gali doonaan musiibo iyo xaalada xun, laakin waxa ugu muhiisan waa in horumar la sameeyo, dabcan waan sameyn doonaa, kama hadlo xaalada ay kooxda ku jirto sanadkaan ee waxaan ka hadlayaa sanadkii hore, waxaan heysanaa fursad fiican oo aan wax kuwada bilaabi karno”.

Klopp O reds

Hadii Mourinho uu yahay The Special One’ muxuu isku magacaabay Klopp ?

Klopp ayaa yiri: “Ma doonayo inaan wax qayaxaad ah uu u sameeyo nafteyda, gabi ahaanbo waxaan ahay qof caadi ah, waxaan ahay midka caadiga ah ama “The Normal One”,

Xaalada saxan

“Waxa isoo jiitay kacsanaanta kubadeed ee Liverpool iyo sida dadka magaaladaan ku nool ay ugu nool yihiin mandiqad kubadeed, sidoo akle jamaahiirta Liverpool ay ku ledahay dunida, ma aha koox caadi ah ee waa koox Special ah, waxaa isoo maray labo koox oo Speical ah, laakin tani waa tii igu habooneyd, ama talaabadii iigu fiicneyd ee aan isku caawin karo, waan ku faanayaa inaan halkaan joogo, waxaan soo dhameystay fasax aan ku jiray farxad ayeeyna ii tahay inaan koox tan oo kale ah aan imaado, waan uga mahadcelinayaa milkiileyaasha kooxda iney isiiyeen fursadaan, waxaan dareemayaa inaan faani karo”.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha: