Soomaaliya oo noqotay meesha ugu khatarta badan ee uu weriye ka shaqeeyo

0
798

Somali journalists demonstrate against an article appearing in the British paper The Guardian calling them corrupt, in capital MogadishuWarbixin ay soo saartay hay’adda u doodda ilaalinta weriyayaasha ee CPJ ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta koobaad kaga jirto dalalka weriyayaasha lagu dilo.
Soomaaliya ayaa kaalinta koobaad waxa ay kala wareeegtay waddanka Ciraaq oo kaalintaas haysatay tan iyo sanadii 2008-dii, sida ku cad shaxda ay hay’adda CPJ soo saartay.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in ku dhawaad boqolkiiba 96 weriyayaasha ay dhibaatadu soo gaartay in ay yihiin kuwa maxaliga ah, ee inta badan tabiya wararka siyaasadda iyo musuqmaasuqa.
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno arrintan ayaa waxaannu la xiriirnay, Yuusuf Xasan oo ah weriye rug cadaa ah, haataanna tifaftire ka ah wargeyska Xaqiiqa Times ee ka soo baxa magaalada Muqdisho, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare

HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO

      cpj_reaction_yusuf_hassan_151009_cpj_somalia_journalists_au_bb