SRK Iyo Quruxleyda Koonfur Hindiya Tamanah Bhattia Oo Hal Mashruuc Ku Midoobeen

0
1928

SRK and Tamanah

Super Star Shah Rukh Khan hadal heynta Koonfur Hindiya isaga ayaaba la wareegay madaama uu dhawaan la kulmay labada Super Star Mahesh Babu iyo Ram Charan.

Haatan waxaa daaha laga qaaday in King Khan uu mashruuc xiiso badan kala shaqeeyay quruxleyda Koonfur Hindiya Tamanah Bhatia.

SRK iyo Tamanah filim kuka midoobin balse shaqso xayeysiin ah oo laga diyaariyay Video kooban ayay kasoo wada muuqdeen.

SRK ayaa heshiis kula jiro shirkad uu qaab Online ah wax ugu xayeysiiyo haatan Tamanah ayaa mashruucaas la xayeysiin doonto.

Tamanah Bhatia oo aad u faraxsan waxay tiri “Waxaan la kulmay oo aan shaqo kooban la wadaagay taageeraheyga kowaad SRK, waxayna ii tahay farxad inaan SRK la shaqeeyo”

Tamanah Bhatia waa gabadhii sanadkan filimka Bahubaali la jishay Prabhas sidoo kalena aflaan badan oo Bollywood ah ayay wax ka matashay sida Himatwala, Humshakals, Entertainment iyo kuwo kale.

592 total views, 592 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan