Suniel Shetty Oo Wiilkiisa Aahan Filim U Maal Galin Doono Dhawaan

0
2613

Action Hero Suniel Shetty wuxuu ku mashquulsan yahay soo saarista wiilkiisa yaraanka ah Aahan Shetty.

Marba hadii gabadhiisa Athiya Shetty uu dhawaan soo caan bixiyay saaxiibkiis Salman Khan sidoo kalena ay sameesay filimkii Hero.

Suniel ayaa markaan u istaagi doono inuu wiilkiisa Aahan u qarash gareeyo filim cusub sidoo kalena Suniel shirkadiisa filimada maal galin jirtay Popcorn Entertainment.

Suniel iyo shirkadiisa Popcorn waxay horey u qarash gareeyeen aflaan caan ah oo ay ka mid yihiin Khel, Rakht, Bhagam Bhag, Mission Istanbul, EMI, Loot iyo kuw kale.

Sidaa darteed 54-jirkan markale wuxuu doonayaa inuu qasnadiisa lacagaha u furo wiilkiisa Aahan oo dhawaan fanka kusoo biiri doono.

Warar hordhac ah ayaa sheegayo in Sunil wiilkiisa uu kusoo caan bixin doono filim Action iyo jecel isku jiro waxayna shaqadiisa bilaaban doontaa bartamaha sanadka dambe.