Suuqa Kala Iibsiga: Chelsea Oo Dooneysa Iney Stamford Bridge Isugu Keento John Stones & Marquinhos

0
1420

Marquinhos-and-Stones

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu adkeeyo daafaciisa wuxuuna markaan u dhaqaaqayaa saxiixa John Stones iyo Marquinhos.

Kooxda ay ka jajaban tahay xili ciyaareedkaan ee Blues ayaa liiska xidigaha ay dooneyso ku darsatay daafaca da’da yar ee xulka Brazil iyo kooxda Paris Saint Germain Marquinhos si ay lamaan uga dhigto John Stones oo aysan wali ka quusan helitaankiisa.

Roman Abramovic ayaa diyaar u ah inuu lacago faraqa ugu shubo Mourinho marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Chelsea dhowr jeer ayey xagaagan isku dayday saxiixa Stones iyo Marquinhos kuwaas oo 21-jiro ah balse dalabyadii ay u gudbiyeen kooxahooda waa laga soo diiday.

Marquinhos 31 Malyan Oo Pound ayey ku dalbadeen, halka Stones ay u direen Afar dalab balse Everton ay ku gacan seertay dhamaan dalabyadii Blues iyadoo kii ugu dambeeyay uu ahaa 38 Malyan Oo Pound.

Ugu dambeyntiina Mourinho wuxuu doonayaa inuu soo afjaro duqowda daafaca kooxdiisa isgoo aaminsan in halka ay mashaqada ka heysato ay tahay gadaal dambe.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.