Suuqa Kale Iibsiga: Barcelona Oo Dooneysa Iney Xagaaga Danbe Lasoo Wareegto Weeraryahanka Jarmalka Ee Marco Rues

0
1436

Papare on Rues

Barcelona ayaa isku diyaarineysa iney dalab 31 milyan oo euro ah ay ku dalbadaan weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Marco Reus xagaaga danbe, sida ay qorayaan jariiradaha kasoo abxa dalkaasi Spain.

Kooxda reer Spain ayaa si weyn ula dhacsaneyd ciyaariyahanka weerarka ka ciyaara mudo dheer, waxayna aamisan yihiin iney awoodaan iney keenaan xidigaan ree jarmal garoonka Nou Camp ee gobolka Cataloniya.

Mundo Deportivo ayaa saakay qortay in madaxa farsaada ee Barcelona Robert Fernandez u gacan ku hayo labo liis oo suuqa ah, kuwaasoo kala ah ciyaartooyda ay kooxda u dhaqaaqi doonto bisha koowaad ee January si ay kooxdooda ugu xoojiyaan iyo ciyaartooy leh mustaqbal dheer oo ay lasoo wareegi doonaan xagaaga danbe ee 2016, waxaana liiskaan xagaaga horkacaya weeraryahan Reus oo 26 sano jir ah, waxyana jariirada intaasi ku dareysaa in kooxda ay diyaar u tahay iney bixiso wax waliba oo ay ku heli karaan xidigaan heerka caalami ee xulka jarmalka.

Wargeyska uu saldhigiisu yahay agaalada Barcelona ayaa sheegaya in weeraryahanka uu xiriir dhaw la leeyahay goolhayaha Barca iyo Reus kuwaasoo si joogta ah u sameeyo xiriiro, sidoo kalena si dhaafsada fariimo qoraaleedyo, waxayna jariirada intasi k dareysaa inxidigaan uu diyaar u yahay inuu sameeyo isbadal, sidoo kale Barca ayaa dooneyso weeraryahanka Celta Vigo ee Nolito oo maalinkasta looga wada hadlo xaaladiisa qolka maamulka Barcelona.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.