Suuqa Kale Iibsiga: Barcelona Oo Dooneysa Weeraryahanka Dortmund Ee Pierre-Emerick Aubameyang

0
1158

Mundo Deportivo On Aubemenyang

Barcelona ayaa si gaar ah ula socota xaalada weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang waxaana la sheegayaan iney qorsheynayaan iney u dhaqaaqaan saxiixa xidigaan, sadaadi waxaa qoray jariirada Spain ee Mundo Deportivo.

Xidiga heerka caalami ee xulka Gabon ayaa si layaab leh 10 jeer shabaqa uga soo taabtay kadib sided kulan uu ciyaaray horyaalka Bundesliga ee dalka jarmalk xili ciyaareedkaan, wuxuuna kooxda macalinThomas Tuchel ka caawiyay iney kaalinta labaad kaga jiraan kooxda Bayern Munich oo isku dayeeysa u dagaalamista horyaalkoodii afaraad oo xiriir ah.

Mundo Deportivo ayaa qoreysa in Barca iyo masuuliyiintooda ay aad ula dhacsan yihiin xidigaan weerarka ka ciyaara, waxayn aisku dayi doonaan iney soo xerogaliyaan Aubameyang wax waliba oo ay ku qaadato.

Aubameyang ayaana kali ka aheyn xidigaha ku jira liiska ay suuqa ka baadi goobeyso kooxda Barcelona ee waxaa sidoo kale ku jira weeraryahanka Celta Vigo ee Nolito, kan Borussia ee ay Aubameyang isku kooxda yihii ee Rues iyo waliba xidigaha ka ciyaara Premier league ee Stones iyo Ander Herrera oo ka kala tirsan Everton iyo Manchester United.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.