Taariikh Nololeedka Director-ka Ugu Awooda Badan Hollywood-ka James Cameron (+Sawiro)

0
2395

James

James Francis Cameron waa filim sameeye u dhashay dalka Canada, sidoo kalena waa Ingineer, bad maax sidoo kalena ah shaqsi u gar gaaro dadka baahida ku heyso daafaha caalamka.

James Cameron waxaa lagu tilmaamaa Director ugu awooda badan Hollywood-ka sidoo kalena fanka ka gaaray maqaamkii ugu sareeyay.

James Cameron wuxuu asaagiisa kaga sareeysaa inuu sameeyay labada filim ee Hollywood-ka ku faanaan lacag ahaan iyo magac ahaan Titanic iyo Avatar.

James Cameron wuxuu ku amaanay marwalbo inuu Hollywood-ka kusoo kordhiyo adeegsiga aaladaha casriga ah weliba marka ay noqoto arimaha Science Fiction-ka, nolosha qayaaliga, aaladaha dhaqaaqo ee maskaxda bini aadamka lagu mashquuliyo iyo sheekooyin casri ah.

Shirkada Forbes ee dadka caanka ah hantidooda iyo daqligooda ka faalooto waxay James Cameron hantidiisa guud ku sheegtay $ 700 Million.

James Cameron Iyo Bilawgii Noloshiisa Marxaladaha Uu Soo Maray:

James wuxuu ku dhashay Kapuskasing, Ontario ee dalka Canada asigoo dhashay 16 August sanadii 1954, xidigan waa 61-jir soo maray marxalado kala duwan noloshiisa.

Waxaa aabo u ah Phillip Cameron halka hooyadiis lagu magacaabo Shirley waxayna ahaan jirtay Artist sidoo kalena kal kaaliso ayay ahayd.

James asal ahaan faraciisa wuxuu kasoo jeedaa dalka Scotland waxayna awoowayaashiisa kasoo guureen Scotland sanadii 1825.

James yaraantiisa wuxuu wax kusoo bartay Stamford Collegiate oo ku yaalo magaalada uu ku dhashay Ontoria.

Laakiin markii uu 17-sano jiray ayay qoyskiisa usoo guureen xaafada  Brea, California sanadii 1971 balse nasiib daro waxbarashada kuma waarin wuxuuna uga haray heerka dugsiga sare markii uu soo gaaray.

Kadib waxrabashadii heerkiisa sare wuu sii wadi waayay inkastoo uu xaadiray iskuulo kala duwan oo ay ka mid yihiin  Fullerton College.

Si uu nolol maal meedkiisa usoo saarto wuxuu noqday darawal gaadiidka waa weyn wado sidoo kalena mararka uu firaaqada leeyahay sheekooyin ayuu qori jiray.

Sidoo kale asiga ayaa nafsad ahaantiisa is baray sida loo xaliyo duubista filimada iyo qoraalka sheekooyinka habka casriga ah.

Kadib James wuxuu iska dhaafay shaqadii baabuur wadida wuxuuna go’aan ku gaaray inuu fanka ku biiro kadib markii uu daawaday filimkii Star Wars sanadii 1977.

James wuxuu aad u jeclaa inuu wax ka qoro sida la isugu dari karo Seyniska dabiiciga ah iyo waxyaabaha qayaaliga ah.

Sidaa darteed labo ka mid ah saaxiibadiisa ayuu u dhiibtay sheekada loogu magac daray Xenogenesis oo ahayd sheeko seynis iyo qayaali isku jiro ah.

Saaxiibadiis lacag ayay u baadi goobeen, waxay usoo kireeyeen kaamiro, aaladihii lagu duubi lahaa oo ku jireen weyneyso iyo bikaacooyin.

Waxay aad ugu mashquuleen James iyo saaxiibadiisa sidii ay ula imaan lahaayeen nidaam ka duwan qaabka ay Hollywood-ka filimada u sameeyaan.

James Iyo Bilawgiisii Nolosha Fanka Iyo Sida Ay Wax Ugu Hirgaleen:

James filimkii Xenogenesis (1978) wuxuu ka noqday Director, qoraa iyo qarash gareeye taasi oo u suura galisay in riyadiisa qayb ka mid ah ay u rumowdo.

Sidoo kalena wuxuu caawinaad dhanka soo saarista ka geestay filimkii Rock and Roll High School (1979) kadibna wuxuu sameestay shirkad yar oo lagu magacaabo Roger Corman Studios taasi oo maal galin jirtay aflaanta qarashaadka yar ku baxaan.

James asigoo waxbarashadiisa dhanka filim sameynta iska wato wuxuu shaqo rasmi ah ka qayb qaatay filimkii  Battle Beyond the Stars (1980) asigoo sameeyay farshaxanka iyo ficilada qayaaliga ah ee filimkan ku jiraan.

Sidoo kalena filimadan ayuu ka talo bixiyay soo saaristooda iyo sameynta ficilada qayaaliga ah Escape from New York (1981), Galaxy of Terror (1981) iyo Android (1982).

Nasiib wanaagsan James Cameron wuxuu Director rasmi ah ka noqday markii ugu horeesay filimkii Piranha II: The Spawning (1981) inkastoo markii hore loo qaatay inuu sameeyo ficilada iyo Arts-ka filimkan laakiin Director-kii sameyn lahaa ayaa isaga baxay mashruucan waxaa calaf u yeeshay Cameron.

Cameron filimkan si wacan shaqadiisa uma dhameynin madaama xanuuno kala duwan qabteen sidoo kalena shaqadiisa caawiye ayuu ka noqday.

Asigoo habeen habeenada ah xanuunsan wuxuu ku qarway Robot aan la arki karin oo dilaayo kaasi oo awood badan leh, qarawgiisii cashar ayaa uga baxay wuxuuna ka sameeyay markii dambe filimkii Terminator ee taxanaha caanka ah laga sameeyay!

Cameron Iyo Markii Uu Sameeyay Filimkii Terminator (1984):

Terminator1984movieposter.jpg

James wuxuu qoray sheekada filimka Terminator balse waxaa ku adkaatay inuu helo shirkad u maal galiso madaama shirkad walbo diideen shaqsi aan waaya arag ahayn filim cusub inay u maal galiyaan.

Ugu dambeyntii Gale Anne Hurd ayaa filimkan James u qarash gareesay kadibna waxay noqdeen labo lamaane oo is guursadeen.

Terminator oo uu jilay Arnold Schwarzenegger iyo atoorayaal kale ayaa noqday filim Classic ah sidoo kalena guul weyn gaaray waxaana filimkan qarash ahaan lagu sameeyay  $6.5 million asigoo soo xareeyay isku darkiisa daafaha caalamka iyo gudaha Mareekanka  $78 million.

Cameron Iyo Markii Uu Sameeyay Filimkii Rambo: First Blood Part II (1985)

James wuxuu noqday Director laga daba dhacay balse hal abuurkiisa aad u sareeyo sidaa darteed wuxuu qoray sheekada filimka Rambo: First Blood Part II (1985).

Laakiin nasiib daro James kaliya qoraaga filimkan ayuu ku ekaaday inkastoo uu fikrada lahaa waxaana u diiday inuu Director ka noqdo Sylvester Stallone laakiin amaan balaaran ayuu ku helay James Cameron madaama uu hal abuurka filimkan lahaa.

James Iyo Markii Uu Sameeyay Filimkii Aliens (1986)

Cameron filimkiisa xiga wuxuu noqday Aliens (1986) oo uu ka sameeyay taxano kala duwan wuxuuna filimkan noqday mid lala dhacay sheekadiisa sidoo kalena guul weyn ayuu gaaray waxaana lagu amaanay James hal abuurkiisa aadka u sareeyo.

James iyo markii uu sameeyay filimkii qaaliga ahaa The Abyss (1989):

Asigoo rabo inuu wax cusub la imaado wuxuu filimka The Abyss (1989) ka dhigay mid lala yaabay sameyntiisa madaama inta badan biyaha bada hoosteeda lagu duubay weliba wuxuu ahaa filim qaali ah oo lagu sameeyay in ka badan $70M.

Balse nasiib wanaag filimkan ay jileen Ed Harris, Mary Elizabeth Mastrantonio, iyo Michael Biehn lacagiihsa dib ayuu usoo celiyay wuxuuna keenay ku dhawaad $90M.

Cameron iyo Sameyntiisa Qaybta Labaad Terminator 2: Judgment Day (1991):

James ayaa markale masuuliyada iska saaray filmkan aalada casriga ah lagu sameeyay inuu qayb labaad ka diyaariyo inta badan kooxdii qaybta hore matashay oo uu hormuud u yahay Arnold  Schwarzenegger ayaa filimkan wax ka jileen.

Terminator2poster.jpg

James dadka ayuu kaga yaabsaday sida uu ula yimid markale filim aalad casri ah lagu sameeyay, waxaana filimkan lagu sameeyay $100M balse gudaha Mareekanka oo kaliya ayuu kasoo xareeyay $200M halka daafaha caalamka uu ka keenay $300M.

Wuxuu noqday filimkii ugu weynaa sanadii 1991 sidoo kalena 4-bilad oo Oscar ayaa filimkan lagu qaatay oo kala ah Best Makeup, Best Sound, Best Sound Effects Editing, iyo Best Visual Effects.

Wixi markaas ka dambeeyay xuquuqda Terminator koox kale ayaa la wareegtay markalena James ma sameynin filimkan.

James Iyo Filimkiisii La Wada Amaanay Ee True Lies (1994):

True lies poster.jpg

James markan wuxuu filimkiisa hogaamiye kaga dhigay Arnold  Schwarzenegger waxaana caawiyeen xidigaha kala ah Jamie Lee Curtis, Tom Arnold, Art Malik, Tia Carrere, Bill Paxton, Eliza Dushku, Grant Heslov iyo Charlton Heston.

Inaba caadi ma ahan filimkan waayo ku dhawaad $120M ayaa lagu sameeyay weliba James isaga ayaa wax ka maal galiyay laakiin nasiib wanaag filimkan wuu guuleestay wuxuuna soo xareeyay $378.8M asigoo filimkan noqday filimkii 3-aad ee lacagaha ugu badan sanadii 1994 soo xareeyay.

Cameron Iyo Markii Uu Aduunyada Kaga Yaabsaday Filimkiisii Titanic (1997):

Madaama uu arimaha bad maaxa wax ka yaqaano sidoo kalena daraasado badan ku sameeyay James wuxuu xiiseenayay filim bada ku saabsan.

The film poster shows a man and a woman hugging over a picture of the Titanic's bow. In the background is a partly cloudy sky and at the top are the names of the two lead actors. The middle has the film's name and tagline, and the bottom contains a list of the director's previous works, as well as the film's credits, rating, and release date.

Sidaa darteed wuxuu sheeko ka sameeyay markabkii caanka ahaa RMS Titanic wuxuuna filimkan hogaamiye uga dhigay labada xidig ee dhalnta yar Leonardo DiCaprio iyo Kate Winslet.

Titanic waxaa tiyaatarada la saaray December 19, 1997, waxaa la yaab ahayd in Titanic sedexdiisii maalmood ee ugu horeesay todobaadkiisa kowaad uu soo xareeyay $28.6 million laakiin sedexdiisii maalmood todobaadkiisii labaad ee ugu horeesay wuxuu filimkan keenay $35.4 million taasi oo ka dhigan in 23.8% sare u kac inuu sameeyay waxay ahayd rikoor taariikhi ah in la arko filim todobaadkiisa labaad sare u kac sameenayo!

Titanic wuxuu dhigay rikoor taariikhi ah asigoo noqday filimkii ugu horeeyay ee $1 Billion lacago ah soo xareeyo.

Titanic waxaa lagu sameeyay $200 million wuxuuna filimkan cimiri ahaantiisa filimkan soo xareeyay $2.187 billion weliba 12-sano ayuu ahaa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay oo ay ebid Hollywood-ka sameeyaan!!

Titanic rikoorka kale ee uu dhigay ayaa ah in lagu qaatay 11-biladood oo Oscar ah waxayna abaal marinada kala ahaayeen Best Picture, Best Director, Best Art Direction, Best Cinematography, Best Visual Effects, Best Film Editing, Best Costume Design, Best Sound, Best Sound Effects Editing, Best Original Dramatic Score, Best Original Song.

James Markii uu la yimid labadii filim ee kala darnaa Spider-Man and Dark Angel (2000–2002)

James wuxuu Director-da kale kaga duwan yahay inuu marwalbo sameeyo sheekooyin kala duwan sidaa darteed wuxuu la yimid labadii filim ee Classic noqdeen.

James filimkii Spider Man (2000) ayuu markii hore sheekadiisa qoray balse markii dambe wuu isaga baxey sameyntiisa inkastoo aan loo ogolaanin in sheekada isaga loo nisbeeyo madaama dacwad looga guuleestay.

Cameron ayaa hal abuur cusub la yimid wuxuuna sameeyay taxanihii caanka ahaa Dark Angel asigoo sheekadiisa lahaa.

Taxanahan shirkada Cameron ayaa maal galisay wuxuuna socday October 3, 2000 – May 3, 2002 asigoo ka koobnaa 43-xal qadood oo socotay labo xili oo kala duwan.

Soo Laba Kacleyn Cameron Iyo Markii Uu Sameeyay Filimkii Rikoorada Cusub Dhigay Avatar (2009)

Bishii June sanadii 2005 James wuxuu ku dhawaaqay inuu dhameestiray sheeko cusub oo lagu magacaabo “Project 880.

Laakiin filimkan markii dambe Avatar ayuu u bixiyay wuxuuna ka dhawaajiyay diyaarinta iyo dhameestirka filimkan ay ku qaadatay mudo 10-sano ah.

Image result for james cameron movie avatar

Avatar waxaa lagu duubay Kaamirada casriga aah ee aalada 3D loo adeegsado waxaana filimkan lagu qarash gareeyay $237M.

Avatar oo ahaa filim Seynis iyo qayaali isku jiro ah waxaa wada jileen Sam Worthington, Zoe Saldana, Stephen Lang, Michelle Rodriguez, iyo Sigourney Weaver.

Filimkan ayaa dhigay rikoor taariikhi ah asigoo noqday filimkii lacagaha ugu badan soo xareeyay oo ay ebid Hollywood-ka sameeyaan wuxuuna soo xareeyay $2.788 billion sidaa darteed Cameron isaga ayaa iskoorkiisii filimkii Titanic dhanka lacagaha iska jebiyay!

Filimkan waxaa lagu qaatay sedex biladood oo Oscar ah kuwaas oo kala ah Best Art Direction, Best Cinematography iyo Best Visual Effects.

Sidoo kale James wuxuu heshiis la gaaray shirkada 20th Century Fox si ay u maal galiyaan Avatar qaybihiisa kale oo laga sameyn doono sedex qeybood oo kala duwan laga bilaabo sanada 2017 ilaa 2019 sanad walbo qayb cusub ayuu James ka sameyn doonaa filimkan caalamiga ah.

James Iyo Noloshiisa Gaarka Ah:

Cameron noloshiisa wuxuu guursaday 5-jeer oo kala duwan hadaba xiliyadan kala duwan ayuu guursaday hablaha meeshan ku xusan: Sharon Williams (1978–1984), Gale Anne Hurd (1985–1989), Kathryn Bigelow (1989–1991), Linda Hamilton (1997–1999) iyo Suzy Amis (2000–ilaa haatan isla nool yihiin).

James wuxuu aabo u yahay caruurta halkan ku xusan magacyadooda oo kala ah Josephine Archer Cameron, Quinn Cameron, Elizabeth Rose Cameron, Claire Cameron.

James wuxuu dhib weyn kala kulmay guurkii uu la wadaagay Hamiltan oo ahayd atirisho caan ah markii ay kala tageen waxay maxkamada u xukmisay Hamilton in James uu siiyo $50M ayadoo u dhashay gabadhiisa curuda ah ee lagu magacaabo Josephine Archer Cameron.

Cameron haatan wuxuu ku nool yihiin oo uu dagan yahay dalka New Zealand sidoo kalena wuxuu ka mid yahay la taliyayaasha hay’ada cirbixiyeenka iyo dayax gacmeedka sameyntiisa qaabilsan ee NASA .

Inkastoo James uu sanadii 1971 dalka Mareekanka soo dagay hadana dhalashadiisa Canada ayuu heestaa laakiin sanadii 2004 ayuu codsaday in dhalasho Mareekan ah la siiyo inkastoo uu dalabkiisii ka laabtay markii George W. Bush uu madaxtinimada Mareekanka ku guuleestay.

Sidoo kale James waa nin hantiile ah oo arimaha ganacsiga ah ku lug leh wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka caalamka ugu saameynta balaaran wuxuuna hormuud u yahay Hollywood-ka.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay aqriska qoraalka.

123 total views, 123 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan