Tababaraha Xulka Qaranka Germany Ee Joachim Low Oo Aaminsan In Jurgen Klopp Uu Liverpool Wax Badan Ku Soo Kordhin Doono

0
1190

Waxaa wali socda wada xaajoodyo udhexeeya kooxda Liverpool iyo tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund ee  Jurgen Klopp ayaa la filayaa inuu badal u noqon doono Branden Rodgers oo shaqada Liverpool laga caydhiyay. Wararka ayaa sheegaya in horumar wayn laga sameeyay xidhiidhka u socda Klopp iyo maamulka Reds.

Tababaraha xulka qaranka Germany ee  Joachim Low  ayaa aaminsan in Klopp uu wax badan ku soo kordhin karo Liverpool isaga muujiyay in kooxaha Liverpool iyo Dortmund ay isku qaab yihiin gaar ahaan xamaasada labada jamaahiirood.

 

 

Joachim Low oo ka hadlayay kulanka Euro 2016 ka hor ayaa yidhi: “Klopp waxa uu waqti guulaystay oo aan caadi ahayn uu ku soo qaatay waqtigiisii Dortmund, waxa uu jamaahiirta Dortmund ku siidaayay xamaasad wayn, haddii aad meel fog ka soo eegto Dortmund iyo Liverpool waa barbaro marka aad fiiriso dhaqanka taageerayaashooda fantastiga ah.Klopp wax wayn ayuu noqon doonaa koox kasta”.