Taliska ciidanka Militariga oo xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga dalka inay afduubteen Shabaab

0
1156

Sarkaalka Shabaabka ay afduubteen ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xaaji Cali, waxaana laga afduubtay duleedka Degmada Afgooye, xilli uu ku sugnaa meel ku dhaw hooygiisa oo halkaasi ku yaallo.

Taliyaha Qaybta 12-ka April ee Shabeellooyinka iyo Gobolka Banaadir General Maxamed Maxamuud Saneey, ayaa sheegay in uu aad u garanaayo Sarkaalka u gacan galay Shabaab, wuxuuna sheegay in uu ka mid ahaa ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Sarkaal la afduubtay

General Maxamed Maxamuud Saneey oo u waramay Idaacada Al-Furqaan ee taageerta Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay Sarkaalkaasi in uu qaabilsanaa bixinta mushaaraadka Askarta gabowday ee aanan shaqeyn, isaga oo sheegay xilliga la afduubanaayay in uu ku sugnaa hooygiisa oo ku yaallo meel lagu magacaabo Doonga oo Duleedka Afgooye ah.

Sarkaalka Shabaabka ay afduubteen ee Maxamed Xaaji Cali, da’diisa waa 63 sano jir, lama oga sida ay ka yeeli doonaan Shabaab Sarkaalkaasi.

Maxamed Xaaji Cali, wuxuu la soo shaqeeyay Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray ilaa Dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Tani ayaa muujinaysa Shabaabka inay isticmaalaan xeelado badan oo ay daban ugu dhigayaan Saraakiisha ciidamada Militariga.