Taliyaha Booliiska oo booqdey Baydhabo, side loogu soo dhoweeyay? (Daawo Sawiro)

0
163

1-booq

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed iyo saraakiil kale ayaa maanta socdaal ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo gaadiid boolis ku wareejiyay Maamulka KMG ee Jubaland.

Wafdiga taliyaha ciidanka booliska waxaa garoonka diyaaraha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland, waxaana uu taliyaha iyo saraakiisha la socday ay kormeereen saldhigyo magaalada, halkaasi oo uu warbixino kaga dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha booliska ee Kismaayo jooga.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo lagu wareejiyay furayaasha gaadiidka booliska ah ayaa taliska booliska uga mahadceliyay, isagoo xusay in gaadiidka ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud aya sheegay in gaadiidku ay ka koobanyihiin afar, isla markaana uu taliska ugu talagalay inay ku howlgalaan ciidanka booliska.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tababar u furay askar ka tirsan ciidanka booliska, waxaana uu kula dar daarmay inay tababarka ka faa’iideystaan oo ay ugu adeegan wixii ay barteen shacabkooda.

 2-booqas 3-booqas 6-booqa