Taliye Ku Xigeenka Amisom oo booqasho ku tagey Degmada Baardheere (SAWIRRO)

0
1432

Baardheere iyo Diinsoor oo ka kala tirsan Gobolada Gedo & Baay, ayaa noqonaya Degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga eryo Ururka Al Shabaab, waxayna gacanta Dowladdu soo gashay daba yaaqadii bishii July.

Sarkaalkan, ayaa waxa uu Xoogaga Amisom uu kaga mahadceliyay tallaabada ay Ururka Al Shabaab kaga saareen Diinsoor iyo Baardheere. Ileyska maanta ka jira Degmooyinkan ayuu sheegay inay keenayn Xoogagooda.

Mohammedesha Zeyinu, ayaa Ciidanka Amisom ku booriyay inay xaqiijiyan nabadgelyada dhulka ay ka saarayan Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay sii wadaan gulufka ka dhanka ah mintidiinta.

General Zeyinu, ayaa waxa uu Ciidanka Amisom uu kula dardaarmay in la xoojiyo qorshaha ay u jooggaan Somaliya, kuna caawinayan Dowladda Federalka Somaliya.

“Ujeedka ogolaanshaha Amisom ee Somaliya waa in laga hortaggaa Shabaab iyo nabad laga dhaliyaa Somaliya, si ay u soo noqoto xasiloonidii dalkan.” Ayuu yiri Mohammedesha Zeyinu, oo hadalkan ku sheegay War Saxaafadeed maanta laga soo saaray Xafiiska Amisom Ee Magaalada Muqdisho.

BaardheereBaardheere1Baardheere2Baardheere8Baardheere7Baardheere3Baardheere4Baardheere5Baardheere6