Video: War Cad oo Muuqaal wata oo Laga Soo saaray Wixii ay Sababsatay Diyaaraddii MH17 ee Malaysia ee Burburtay Sanadkii 2014-ka

0
1253

diyaarad malaysiaWar ka soo baxay waddanka Holland ayaa lagu sheegay in diyaaraddii burburtay ee ay lahayd dowladda Malaysia ay sababsatay gantaal ruushku leeyahay oo lagu riday.
Diyaaraddaas oo sumadda tirsigeedu ahaa MH17 ayaa lagu sheegay warka ay ka soo saareen guddiga amniga ee waddanka Holland  in gantaalku uu haleelay qeybta hore ee bidix ee diyaaradda taasoo sababtay inay burburaan qeybihii kale oo dhan.

Warkii ugu danbeeyay ee ku saabsan diyaaraddan oo  burburtay sanadkii 2014-ka bishii July ayaa waxaa ku dhintay tiro gaareysa 298 ruux, .
Dowladaha reer galbeedka iyo Ukraine ayaa sheegaya in ay ka dambeeyaan ridista diyaaradda777 muraacadka Ruushku uu taageero hase ahaatee Ruush-ka ayaa isna is fogeeyay oo ku eedeyayay Ukraine.
Warkan ayaan lagu sheegin cidda rasmi ahaan u ridday gantaalka soo riday diyaaradda laakiin waxaa lagu sheegay in marinka hawada Ukraine inuu xirnaa.
Diyaaraddan ayaa u kala goosheysay magaalooyinka Amsterdam iyo Kuala Lumbur oo Maliaysia ah ayay ku wajahneyd, waxayna burburtay markii ay kor mareysay hawada halka ay ku sugnaayeen goonni u goosadka Ukraine ee dowladda Ruush-ku ay taageereysay.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa 196 qofood oo u dhalatay Holland iyo 10 Ingiriis ahaa.