Wararka Caawa: Shariif Xasan oo guddi Qaran kala hadley sidii ciidamada la isugu dhafi lahaa…

0
815

M.-Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, isla maarkaasin ah xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aaden uu maanta la kulmay Guddiga Isku Dhafka Ciidamadda Xoogga Dalka, oo Sabtidii gaaray Magaaladasi.

Wararka ayaa sheegaya in ay ka wada xaajoodeen qaabka ugu wanaagsan ee Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed looga hirgelin lahaa ciidan qaran oo isku dhafan.

Madaxweyne Shariif Xasan, ayaa soo dhaweeyey dadaalka Guddiga, wuxuna xusay in ay kala shaqaynayan sidii looga miro dhalin lahaa wadatashiyada ku aadan dhismaha ciidamada ee laga wado Koonfur Galbeed, Isagoona uga mahadceliyey Guddiga shaqada muhiimka ah ee ay wadaan.

Mar Shariif Xasan uu ka hadlaayay waxyaabaha ay ka wada hadleen, ayaa wuxuu yiri “Waxaan ka wadatashanay sidii loo heli lahaa ciidan summad qaran leh, maanta dalkeena in badan oo kamid ah waxaa ka taagan duruufo kala duwan oo suurtagal ahayn in ciidan qaran laga sameeyo, laakiin waxaan idiin  sheegayaa in Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay dhismaha ciidan qaran waana tan manta halkan isagu kaayo keentay.”

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la helo ciidan qaran oo Somaliya ay lee dahay.

Xagaa oo hadlaayayna wuxuu yiri “Kulamo badan oo aan horey u qabaneyna waxaan ku muujiney muhimadda ah in ciidanka la isku dhafo, waxaana maanta ina horfadhiya  Madaxweynihii Koonfur Galbeed iyo Golihiisa Wasiirada.  Waxa aana dhammaanteen diyaar u nahay sidii howshan ay noogu qabsoomi lahayd. Waana filayaa in si habsami leh hawshu u qabsoomi doonto waqti dhow.”M.-Baydhabo M.-Baydhabo1 M.-Baydhabo2

 Madeey Sheekh Mad

Markacadeey, Baydhabo