Wararka Caawa:“Maamul goboleedyada calaamadahooda gaarka ah iyo calankoodaba lalama simi karo calanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed” Madaxweynaha Xasan

0
1517


Wararka Caawa:“Maamul goboleedyada calaamadahooda gaarka ah iyo calankoodaba lalama simi karo calanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed”  Madaxweynaha XasanMadaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliyeed, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey maamul goboleedyada Soomaaliyeed in aysan ku kicin falal lagu bah dilayo calanka, isla mar ahaantaasina Calanka Soomaaliyeed aan lala meel dhigi karin calamada maamul goboleedyada.

“Maamul goboleedyada calaamadahooda gaarka ah iyo calankoodaba lalama simi karo calanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay in Calanka Soomaaliyeed uu yahay calan ay leeyihiin dhamaan dadka ku abtirsada magaca Soomaaliyeed.

 “waan ku cel celinayaa qof magic Soomaaliyeed sheeganeysa oo haddana calanka Soomaaliyeed la tartansiineysa calanka Jamhuuriyada waa wax lala yaabo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

 Hadalkan ayuu Madaxweynaha manta ka jeediyay munaasabada lagu weyneynayay maalinta Calanka Soomaaliyeed, 61-sano guuradii ka soo wareegtey markii ugu horeysay oo calanka Soomaaliyeed la hindisay.

Xafiis Wareedka Markacadeey

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: xafiiskamuqdisho@hotmail.com

markacadeeymedia@gmail.com