Wararka Man United Iyo Xanta Suuqa Kala Iibsiga: Red Devisl Oo Liverpoo Kula Dagaalameysa Saxiixa Jorginho.

0
7203

SSC-Napoli-v-AS-Roma-Serie-A

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee Red Devils ee ay qoreen warbaahinta isboortiga maanta.

Dagaal ayay kula jiraan Liverpool oo ku aadan saxiixa Jorginho?

Manchester United ayaa kula biirtay Liverpool dagaalka saxiixa xiddiga kooxda Napoli Jorginho sida ay qortay Daily Express.

Isbuuc dhamaadkii waxaa la warinayay in tababaraha cusub ee Anfield Jurgen Klopp inuu xiiseynayay inuu keeno burburiyaha khadka dhexe kaasoo soo ifayay tan iyo markii lagu soo daray kooxda Napoli.

Laakiin waxaa haatan la soo jeedinayaa in United ay keensan doonto 23 jirkaan iyagoo raadinaya xiddig mustaqbalka dheer u buuxiya booska burburiyaha khadka dhexe.

Labada kooxood ee ka dhisan Premier League ayaa waxaa saxiixa xiddiga kaga adkaan karta kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain, kuwaasoo sidoo kale lagu waramayo inay xiiseynayaan.

Tartanka Martins Indi?

Netherlands-v-Argentina-Semi-Final-2014-FIFA-World-Cup-Brazil

Manchester United ayaa ku qasban inay kaga adkaato kooxaha waa weyn ee Yurub saxiixa Bruno Martins Indi, sida ay qortay Tuttomercato.

Xiddiga reer Holland ayaa lala xiriirinayay inuu dib u la midoobayo mustaqbalka dhow tababarihii hore ee xulka Holland Louis van Gaal, laakiin tiro kooxo ah ayaa sidoo kale xiiseynaya saxiixiisa.

United ayaa lagu waramayaa haatan inay la tartamayaan Bayern Munich, Barcelona, Roma iyo AC Milan oo iyagana doonaya 23 jirkaan.

Martins Indi ayaa ku biiray kooxda FC Porto bishii Janaayo heshiis 5.7 milyan ginni ahaa, waxaana haatan lagu qiimeynayaan 19 milyan ginni.

Gotze Wuu Sii Joogayaa Jarmalka.

Gotze1

Mario Gotze marnaba kuma fekerin inuu ka tago Bayern Munich xagaagii soo dhamaaday sida ay qortay talkSPORT.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa haatan dhaawac ku maqan ilaa iyo sannadka cusub laakiin waxaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Allainz Arena xagaagii.

Manchester United ayaa ka mid aheyd kooxaha lala xiriirinayay saxiixiisa laakiin Gotze marnaba kuma fekerin inuu ka tago Bavaria oo uu ku biiro Manchester.

“Marnaba kuma fekerin inaan baxo” ayuu yiri Gotze.

“Waxaa laga yaabaa inay jiraan kooxo kale oo I xiiseynayay laakiin wax xiiso ah uma qabin inaan ka tago Bayern. Waan ku fiicanahay halkaan, waana ku faraxsanahay inaan ahay ciyaaryahan Bayern Munich ah.”

Rooney oo taam u noqonaya kulanka Everton.

Rooney

Wayne Rooney ayaa la filayaa inuu taam ahaansho buuxda helo ku soo laabashadiisa Goodison Park kulanka sabtida ee ay halkaas booqaneyso Manchester United, sida ay daabacday Daily Mirror.

Rooney ayay tahay inuu waqtigaas ka hor ka soo kabsado dhaawacii canqowga ee u diiday inuu ciyaaro labadii kulan ee ugu danbeysay ee isreebreebka Euro 2016 ee ay ciyaartay xulkiisa England si uu u wajaho kooxdiisa hore ee Everton.

Valdes oo ku jeeda Newcastle?

Valdes2

Goolhayaha laga ceyriyay Manchester United Victor Valdes ayaa laga yaabaa inuu u wareego kooxda Newcastle, sida ay qortay Daily Star.

Valdes ayaan wax mustaqbal ah ku laheyn Old Trafford, waxaana durbaba loo diray kooxda juunyeerka, laakiin waxa uu haatan u wareegi karaa Newcastle oo ay heysato dhibaato dhanka goolhayaha ah.

Tim Krul ayaa seegaya xilli ciyaareedka oo dhan taasoo la micno ah in Newcastle ay u baahan tahay goolhaye tayo sarre leh, Valdes ayaana diyaar ah.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.