WARBIXIN: Kadib Heshiiska Ay Liverpool La Gaadhay Jurgen Klopp, Waa Sidee Rekoodhka Uu Klopp Ku Leeyahay Kulamadii Uu La Ciyaaray Mourinho, Wenger, Van Gaal Iyo Pellegrini? Wabixin Faah Faahsan.

0
1181

Kooxda Liverpool ayaa iclaamisay ama ku dhawaaqday inay barri shir jaraa’id oo wayn ay Anfield ku qaban doonto waxaana la fahansan yahay inay saxaafada u soo bandhigi doonto macalinkeeda cusub ee Jurgen Klopp oo ay heshiis saddex sano ah la gaadhay.

Klopp ayay barri si rasmi ah ula wareegi doona kooxda Liverpool kadib markii shaqada laga caydhiyay Branden Rodgers, haddaba waxaanu halkan ku eegaynaa rekoodhka uu Klopp ku leeyahay tababarayaasha kooxaha waa wayn ee horyaalka Ingiriiska ee uu tartanka xoogan kala kulmi doono.

Klop ayaa u safri doono Stamford Bridge isaga oo macalin u ah kooxda Liverpool dhamaadka bishan halka uu sidoo kale kooxda Manuel Pellegrini iyadana wajihi doono. Bisha January ayay kooxaha Arsenal iyo Manchester United todobaad gudihii ku soo booqan doonaan Afield,wuxuuna Klopp soo dhawayn doonaa Arsene Wenger iyo Louis Van Gaal.

Waqtigii uu Rodgers gacanta ku hayay Liverpool ayay inta badan kooxaha waa wayni ka guulaysan jireen kooxda Liverpool, waana sabab uu Rodgers ugu guulaysan waayay Premier leaque-ga xili ciyaareedkii uu kaalinta labaad ku dhamaystay.Laakiin Klopp ayaa rekoodh fiican ka haysta tababarayaasha uu kula loolami doono horyaalka Ingiriiska.

Klopp v Mourinho:-Klopp and Mourinho

Kooxda Dortmund oo uu Jurgen Klopp watay ayaa kooxdii Real Madrid ee uu Jose Mourinho watay afar jeer kula kulantay Champions Leaque-ga xili ciyaareedkii 2012/13 kii, waxaana natiijada fiican helay Klopp, iyada oo marka hore Dortmund kaalinta ugu saraysa kaga soo baxday group-ka ay Real Madrid ku wada jireen halka ay markii danbe Dortmund ay Real Madrid oo uu Mourinho watay ka cidhib tirtay Champions Leaque-ga.klopp-mourinho-stats_3360773

 

 

Kooxda Dortmund ayaa semi-finalka Champions leaque-ga ku garaacday kooxda Real Madrid iyada oo uu  Robert Lewandowski hal kulan Real Madrid kaga dhaliyay afar gool taas oo Klopp ka caawisay inuu Mourinho iyo Real Madrid ka cidhibtiro Champions Leaque-ga. Afar kulan oo ay Klopp iyo Mourinho iska horyimaadeen ayay laba ka mid ah Klopp guushu raacday hal kulan Mourinho uu guulaystay halka kulan ee kalena barbaro ayay galeen.

Klopp v Pellegrini:Borussia-Dortmund-v-Malaga-Manuel-Pellegrini_2927078

Klopp iyo Pellegrini ayaa waayahooda tababaranimo laba jeer iska horyimid, iyada oo xili ciyaareedkii 2012/13 ay labadan tababare ku kulmeen Champions leaque-ga iyaga oo kala watay kooxaha Dortmund iyo Malaga. Kulan xiiso badan ayay Dortmund u baahatay inay laba gool la timaado dhamaadka ciyaarta si ay Champions Leaque-ga baaqi ugu sii ahaato.

Klopp ayaan wax guuldaro ah kala kulamin Pellegrini iyaga oo hal kulan barbaro galay halka uu Klopp kulanka kale ka guulaystay Pellegrini.Macalinka ree Germany ayaa markan waqti fiican la qaadanayay kooxdiisii hore ee Dortmund.

Klopp v Wenger:-jurgen-klopp-arsene-wenger-arsenal-borussia-dortmund_3360729

Tababare Jurgen Klopp ayaa lix jeer tababare Arsene Wenger kaga horyimid Champions Leaque-ga, Wenger ayaana ah tababaraha ugu rekoodhka fiican tababarayaasha kooxaha horyaalka Ingiriiska ee Klopp ka horyimid. Xili ciyaareedkii 2011/12 ayay Arsenal group ay Dormund kuwada jireen kaalinta kowaad kaga soo baxday halka ay Dortmund gashay kaalinta ugu hoosaysa.klopp-wenger-stats_3360771

Klopp ayaa laba kulan ka guulaysatay Wenger halka uu saddex kulan guuldaro kala kulmay, waxayna labadan tababare barbaro galeen hal kulan.Kooxda Arsenal ayaa 7 gool ka dhalisyay Dortmund oo uu Klopp watay halka Guners laga dhaliyay 6 gool.

Klopp v Van Gaal:-bayern-munich-borussia-dortmund-jurgen-klopp-louis-van-gaal_3360819Kulankii ugu horeeyay ee dhex maray Klopp iyo Van Gaal ayaa dhacay sanadkii 2009 kii, waxaana guul soo laabasho ay oo 5:1 ah kooxdii Klopp ku garaacday kooxda Bayern Munich. Laakiin guud ahaan labadan tababare ee Klopp iyo Van Gaal ayaa iska horyimid afar kulan laba ka mid ah Klopp ayaa guulaystay halka uu Van Gaal labada kulan ee kale guulaystay, wax barbaro ahna may galin.klopp-van-gaal-stats_3360774

Haddaba akhriste maxaa Klopp laga filan karaa? Klopp  Liverpool ma ku soo celin karaa taariikhdii iyo sumcadii ay Yurub iyo horyaalka Ingiriika ku lahayd? fikirkaaga oo aan aflagaado lahayn ayaad comments-ka nagula wadaagi kartaan.