Wariye C/naasir Xersi Iidle oo gaari uu ku jiiray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO) »

0
1094

Wariyaha oo miyir doorsoomay, ayaa waxaa lagula cararay Isbitaalka Madiina, oo xilligan wax looga qabanayo xaaladiisa caafimaadeed. Ardayda Jaamacadda ayaa Suxufiga u qaaday Isbitaalkaasi.

Muuqaalo sawirran ah oo laga soo qaaday Suxufiga, markii la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa ka muuqanaayay dhaawacyo ka soo kala gaaray madaxa iyo gacanta bidixda.

Xaaladda Wariye C/naasir Xersi Iidle, ayaa iminka ka soo rayneysay, iyadoona aanu dhaawaciisu ahayn, sidii markii hore loo maleynaayay.

20-kii bishii hore ee September, ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho ay kolonyada Amisom ku jiireen Wariye C/raxmaan Gacan, oo ka mid ah Suxufiyiinta Muqdisho ka hawlgasha. Waxaana shilkaasi ka soo gaaray dhaawac dhexe.

Warbixin ay Jimcihii maanta soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta CPJ, ayaa waxay ku sheegtay in Somaliya ay tahay dalka ugu halista badan caalamka ee Suxufiyiintu ka hawlgasho. Iidle

Iidle1Iidle2Iidle4Iidle3


Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho