Wax Ka Ogow: Benzema, Silva, Aguro, Schwiestiger, Morata Iyo Xidigaha Kale Ee Uu Dhibaatada U Geystay Cudurka Loo Yaqaano FIFA Virus

0
1171

Morata

Kadib markii la ciyaaray kulamo isago jiro isreebreebka tartanka qaramada qaarada yurub ee Euro 2016, isreebreebka koobka aduunka ee 2018 ka dhacaya Russia iyo kulamo saaxiibtinimo, waxaa jiray ciyaartooyda badan oo kusoo dhaawacmay kulamadaasi, kuwaasoo qaarkood ay garoomada ka maqanan doonaan mudo dherr halka kuwo kalena aan ilaa haatan la xaqiijin inta ay maqnaan doonaan, hadaba shabakada Laacib.net ayaa dib u eegis ku sameysay xidigihii ay saameysay musbiibada FIFA Virus oo ah cudur aay aad u cawdeen kooxaha ka ciyaara qaarada yurub.

Aan ku bilowno, Branislav Ivanovic, daafaca midi gee Chelsea iyo xulka qaranka Serbia ayaa ku dhaawacmay kualnkii ay xulkiisa guusha ka gaareen Albania, wuxuuna wal hor leh ku biilabay macalin Mourinho oo markii horeba dhib ku qabay qaab ciyaareedkiisa liitay e xili ciyaareedkaan uu ku bilowday.

Nemanja Matic, Serbia, xidiga Chelsea oo ninka ay isku wadanka iyo isku kooxda yihiin kala mid ahaa qaab ciyareed xumada ayaa isna dhaawac looga saaray kulankii ay garaaceen xulka  Albania.

Paul Pogba, xidiga France iyo Juventus ayaa awoodi waayay inuu ciyaaro kulankii ay guusha xulkiisa ka gaareen xulka Armenia, waxaan shaki laga muujinayaa inuu ciyaari doono kulanka adag ee Derby Di Italia ee ay 18ka bishaan la ciyaari doonaa Inter Milan.

Sergio Aguero: Xidiga Argentia ayaa xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan hal bil kadib markii uu dhaawac muruqa ah kasoo gaaray kulankii ay guuldarada kala kulmeen Ecuador waxaana garoonka laga saaray isagoo ilmeynaya.

David Silva: kubad sameeyaha ree Spain ayaa garoonka laga saaray daqiiqadii 11aad ee ayaa ciyaarti ay xilkiisa gumaadeen Luxembourg waxaana la sheegayaa inuu seegi doono kulanka adage e ay kooxdai u safreyso Manchester United.

Mario Gotze: xidiga Bayern Munich iyo Germany ayaan adib u arki doonin inta ka hartay xili ciyaareedkaan kadib markii uu dilaacay muruq, wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa 12 isbuuc ama todobaad.

Karim Benzema: Benzema aya labo gool ka dhaliyay Armenia laakin habeenkiisi ayaa qaraar ku dhamaaday markii garoonka laga saaray dhaawac uu la maqnaan doono mudo sadex todobaad ah.

Bastian Schweinsteiger: Khadka dhexe ee Manchester United ayaa ku dhaawacmay iskululeysigi xuliisa ka hor kulankii ay guuldarada kala kulmeen Republic of Ireland.

Alvaro Morato: dhibaatada Juventus ka heysata weerarka ayaa sii korodhay markii uu xidigaan ku biiray Manduzkic oo dhaawac kaga mqan marwada duqda ah, laakin wuxuu nasoob ku lahaa inuusa ka jabin lugta, sidii loo maleynayay markii hore.

David Luiz: Daafaca ugu qaalisan caalamka ayaa ayuu jilibka wareegay kualnkii ay Brazil guuldadra kala kulmeen xulka Chile kadib markii ay isku dheceen weerayahanka Chile Eduardo Vargas.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.