Wiil da’ yar oo noqdey qofka ugu cagaha weyn Caalamka, Yaab Daawo Sawiradiisa,

0
151

cagaha7Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Venezuela oo 20-jir ah ayaa galay buuga “Guinness” ee lagu kaydiyo Recordka caalamka , kadib markii uu jabiyay recordkii hore ee shakhsiga ugu cagta weyn caalamka .

Jeison Rodriguez waxa uu leeyahay cagaha ugu waawayn caalamka , cagta lugtiisa midig waxay gaaraysaa 40.1CM , cagtiisa bidixna waxay gaareysaa 39.6 Cm.

Waa 20 jir lugihiisu si caadi ah ayay u koreen illaa uu ka gaaro 10-jir ,laakiin si lama filaan ah ayaa cagihiisu u koreen , waxay ahaayeen 5.5 Cm -11 Cm sanad gudihii, caguhu way sii koreen illaa ay ka gaaraan heerka ay maanta joogan.

Jeison ayaa la hadlay Daily Mail” ee dalka Ingiriiska :”waxaan ku dhibaatooday sidii aan ku heli lahaa kab aan xirto , waxaan inbadan ku socday cago cadaan “, isagoo kusii daray “Niyad jabyo ayaan kala kulmay wax barashada iyadoo ay dadku igu caayi jireen cagahayga weyn”.

Hooyada dhashay “Emilia Rodriguez” ayaa sheegtay :in weelkeedu uu dhibaato ka qabo qanjirka pituitary-ka , arinkaas oo ka dhigay in cagihiisa iyo jirkiisa si aan caadi ahayn , dhirirkiisa ayaa gaaray 2.2 mitir”.

-recordkan ayaa waxaa horey u haystay beeraale turki ah oo looyaqaano , Kosen Sultan , dhirirka lugihiisa ayaa gaaraya 28 cm, laakiin wali waxa uu yahay qofka ugu dheer dunida isagoo dhirirkiisu yahay 2.51mitir .

cagaha cagaha2 cagaha3 cagaha5 cagaha6

kala soco markacadeey.com Warar iyo Dhacdooyinka iyo Ciyaaro xili kasta.