Xafiis lagu koontaroolo Ajaanibta dalka soo galaysa oo Garoonka Aadan Cadde laga furay

0
1055

Xafiiskaan cusub ayaa wuxuu qabanayaa shaqada ah Koontaroolka Ajaanibta dalka imaanaysa iyo kuwa Magaalada gudaheeda ku sugan, iyadoo munaasabadii maanta xariga looga jaraayay Xafiiskaan cusub uu ka qaybgalay Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka Somaliya General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay inay furaan Xafiis lagu koontaroolaayo Ajaanibta.

“Maanta waxaan halkaan ka fureynaa Xafiisyo cusub oo aan Garoonka ku soo kordhinay, kaasi oo ah dadka Ajaanibta ah ee faraha badan ee dalkeena soo galay qof qof ayaan uga warqabnaa Xafiis u yeero maalin waliba soo sheega inuu waqtiga dhamaaday in la keeno.” Ayuu yiri Gaafoow.

Taliye Gaafoow, ayaa warkiisa intaasi ku daray maamul Goboledyada dalka ka howlgala inay ka doonayaan inay kala shaqeeyan Koontaroolka Ajaanibta dalka soo galaysa si wada shaqeyn buuxda ay u dhexmarta Laanta Socdaalka iyo Maamulada Garoomada dalka.

Tallaabada maanta lagu furay xafiiskan kontaroolaya Ajaanibta dalka soo galaysa ayaa ah mid wanaagsan oo muujinaysa in Somaliya horumar ay gaartay.

Ajaanib badan ayaa dalka Somaliya ku sugan, kuwaasi oo qaarkood aanan sharci dalka ku joogin.