Arsenal ayaa mar kale isku dayi doonta saxiixa da’yarka Ajax Amsterdam Riechedly Bazoer sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.
Arsene Wenger ayaa u diray wakiilo dalka Netherland si ay usoo daawadaan 19-jirkaan wacdaraha ka dhigaya xagaagan horyaalka Eredivisie.
Gunners ayaa isku dayday saxiixa xidigaan sadex sano ka hor, balse Bazoer ayaa doortay inuu kooxda Ajax u dhaqaaqo isla markaana uu ka hoso ciyaaro Frank de Boer.
Si kastaba, Wenger ayaa mar kale isku diyaarinaya inuu 19-jirkaan keeno Emirates iyadoo dhawaan looga wacay xidigaan xulka Holland ee da’dodu ka hooseyso 21-jirada sida ay ku warameyso The Mirror.
Ugu dambeyntiina Bazoer wuxuu dhamaan tartamada oo dhan u saftay kooxdiisa 9-kulan xili ciyaaredkaan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Fekradood ayaa laga bixiyay.