Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey “Fiirso Sawirro”

0
1536
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta degmada Kaxda.

Xarunta cusub ee uu maanta xarigga ka jaray guddoomiye Muungaab ayaa waxaa hirgeliyay maamulka gobolka Banaadir si loogu adeego bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi iyo dadweyne farabadan ayaa gudoomiye Muungaab halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay, kuwaasoo muujinayay sida ay ugu faraxsanyihiin furitaanka xarunta cusub ee Kaxda.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda Cabdikaamil Macalin Shukri oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhismaha cusub ee xarunta Degmada  ugu  mahad celiyay Maamulka gobalka banaadir.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir aha Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xusen Mungab oo Meel banan ah kula hadlay Bulshada ku dhaqan degmadaasi, ayaa ugu baaqay in laga shaqeeyo Nabad galyada islamarkana ay gacan siiyan laamaha amniga  si loo gaaro Horumar,  isagoo sheegay in dadka ku nool degmada looga baahan yahay in ay bixiyaan Canshuurta guryaha.

Muungaab ayaa dhinaca kale tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ka socoto mashaa riicya kala duwan oo lagu horumarinaayo bilicda caasimadda dadka Soomaliyedna looga baahan yahay in ay ka qeyb qaatan Horumarinta magaalada.

Dhinaca kale Mudane Xasan maxamed Xusen “Mungaab” ayaa kormeer ku tagay waddada Danwadaagta ee Degmada Wadajir halkaasi oo ay ka socotay olale Nadaafaded oo  waddadaasi looga qaadaye qashinka iyo wasaqda, iyadoo duqa magaalada muqdisho iyo saraakishi la socotay ay  ka qeyb qaadanaayeen olalahaasi nadaafadeed ee lagu horumarinayo Bilicda Caasimadda.

Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro”Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro”Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro” Xarunta cusub ee degmada Kaxda oo xariga lagga jarey  “Fiirso Sawirro”