Xidiga Khadka Dhexe Ee Kooxda Barcelona Ee Ivan Rakitic Oo Loo Magacaabay Xidigii Ciyaartoyda Xulka Qaranka Croatia Ugu Fiicnaa Sanadkan 2015

0
846

Ivan-RakiticXidiga xulka qaranka Croatia iyo kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa loo magacaabay xidigii 2015 ugu fiicnaa ciyaartoyda xulka qaranka Croatia. Rakitic ayaa kooxda Barcelona kula guulaystay afar koob isaga oo waliba door muhiim ah ku lahaa in Barcelona ay xili ciyaareedkii hore guulo waa wayn gaadho.

Maha markii ugu horaysay ee abaal marinta xidiga ugu fiican ee Croatia uu ku guulaysto xidig ka soo jeeda kooxda Barcelona basle waxaa sanadkii 1997 kii abaal marintan oo kale ku guulaystay Robert Prosinecki oo ka tirsanaa kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Croatia.
Rakitic oo Barcelona xili ciyaareedkiisii labaad la bilawday ayaa xili ciyaareedkii hore kula guulaystay koobbaka La Ligaha, Copa Del Rey iyo Champions Leaque-ga halka uu bilawgii xili ciyaareedkan uu Barca la qaaday koobka UEFA Super cupka oo ay Blaugrana ka qaaday kooxda Sevilla.Rakitic ayaa sidoo kale door wayn ka qaaday xulka qarankiisa Croatia.