Xidigii Lionel Messi Dhaawaca Waqtiga Dheer Ah Ugaystay Ee Kooxda Las Palmas Oo Sheegay In Aanu Ula Kac Udhaawicin Messi Isaga Oo Ka Soo Kabsasho Deg Deg Ah U Rajeeyay Lionel Messi

0
957

Xidiga kooxda Las Palmas ee Pedro Bigas oo ahaa xidigii sababta u ahaa in Lionel Messi uu dhawac halis ahi soo gaadho ayaa sheegay in dhaawaca Messi soo gaadhay aanu ahayn mid u qorshaysnaa , wuxuuna Bigas sheegay in ayna ujeedadiisu ahayn inuu waxyeelo ugaysto Messi balse ay kubadda ku loolamayeen.

Pedro Bigas ayaa dhacdada uu Messi ku dhaawacu ku soo gaadhay ku tilmaamay mid aan qorshaysnayn, wuxuuna sheegay in uu doonayay marka ay ciyaartu dhamaato inuu Messi la hadlo basle markiiba cisbitaal loo qaaday.Pedro Bigas ayaa yidhi: “Anigu umaan samayn si qorshaysan, waxaan ciyaarayay kubbada, wuxuuna ku dhaawacmay inuu kubbada darbaynayay. Messi waa ciyaartoy fiican waxaanan u rajaynayaa ka soo kabsasho deg deg ah”.

“Anigu waxaan doonayay in aan Messi la hadlo marka ay ciyaartu dhamaato laakiin waxa uu tagay cisbitaal si baadhitaan loogu soo sameeyo, markaas maan ogayn inuu dhaawacmay, waxaan ogaaday markii ay ciyaartu dhamaatay oo kaliya”.

Pedro Bigas ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Saamayntu waxay ahayd kubbada aniga iyo isaga noo dhaxaysay, waxaan rajaynayaa in Messi uu si deg deg ah uga soo kabsan doono maadaama oo uu yahay xidiga aduunka ugu fiican”.

 

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.