XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor yimid howl-wadeenadii Madasha Qaran ee uu magacaabay Ra’iisal wasaaraha

0
1205

Khilaaf culus ayaa ka dhashay magacaabidii uu dhowaan Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid magacaabay howlwadeenada Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, iyadoo xubnahan Ra’iisal wasaaruhu cidna kala tashan sida ay sheegeyso xogta ay heshay Goobjooge.com.

Somali president

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seyray magacaabidda howl-wadeenadan oo ay ka dhex muuqdaan xubno dhowr ah oo ku dhow maamulo iyo shaqsiyaad aan la isku raacsaneyn, waxaana la filayaa in isbedel lagu sameeyo howlwadeenadan ka dhigan guddiga farsamo.

Maamulada K/Galbeed iyo Galmudug aya sidoo kale kasoo horjeestay magacaabidda Ra’iisal wasaaraha ee howlwadeenada Madasha Qaran oo shirkoodii ugu horeeyay fashil ku dhammaaday.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo maanta dalka ku soo laabtay ayaa wararku sheegayaan inuusan xitaa arrintan kala tashan wasiirka arrimaha gudaha oo ka mida wafdiga Ra’iisal wasaaraha.

Goobjooge.com