Yaa Ku Leh Aragtida Kowaad Filimada Dangal Iyo Sultan Micnaha Aamir Vs Salman

0
1044

Dangal Vs Sultan

Waxaa daaha laga qaaday aragtida kowaad ee filimka Salman Khan hogaamiyaha ka yahay Sultan sidoo kalena hore waxaa loo soo bandhigay aragtida kowaad ee filimka Aamir Khan hormuud ka ka ahay Dangal.

Labadan filim waxaa ka dhaxeeyo hal fariin oo ah inay ka hadli doonaan cayaarta lagdanka iyo musaaracada inkastoo aysan isku sheeko ahayn hadana lagdan iyo rafaad ayay filimkan Salman iyo Aamir ku matali doonaan.

Salman filimkiisa Sultan waxaa la daawan doonaa Eid 2016 halka taageerayaasha Aamir Khan ay ku qasbanaan doonaan inay xoogaa Dangal sugaan madaama Dangal uu waqti ahaan dambeeyo sidoo kalena la daawan doono Chris-mas 2016.

Hadaba hadal heyn xoogan ayaa ka dhaxeyso labadan filim iyo mid walbo guusha uu gaari doono iyo sheeko ahaan waxa ay ku kala duwan yihiin.

Hadaba aqrisrte waxa kale hanoo dambeeyaan ee marka kowaad labada muuqaal ee filimadan laga soo bandhigay yaa ku leh oo soo jiidasho gaar ah ka muuqato Salman iyo Aamir.

Dooda waa xagiina hana noqoto dooda mid asluubeesan waxaana wanaagsan in ereyada aflagaadada iyo isir naceebka ku saleesan la iska dhaafo.

Waad Mahad Santihiin,

440 total views, 440 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan