Baarlamaanka Oo Gudagalay Akhrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka

0
501

Barlamaanka20141115Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka waxaa Golaha shacabka dib ugu soo celiyey maanta guddiga Warfaafinta,dhaqanka iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka waxaana Guddoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo xildhibaannada ka hor hadlay uu sheegay in sharcigan uu soo maray marxalado kala gedisan maantase uu marayo marxaladii ugu dambeysay mar hadii Golaha ay u hor keeneen akhrinta labaad si ay Mudaneyaashu uga gutaan waajibaadkooda qaran oo ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Xoghayaha guddiga Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali oo Baarlamaanka u akhriyey qodobbada uu sharcigan ka kooban yahay ayaa micneeyey qodobbada wax ka bedelka uu
guddigooda kusoo sameeyey.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa gebagebadii u mahad celiyey guddiga Warfaafinta ee sharcigan kasoo shaqeeyey waxaana uu xusay in mudaneyaasha sharcigan dib loogu qeybiyey si ay usoo akhristaan kadibna aragtidooda ugu daraan marka la gaaro Akhrinta Seddexaad kolkaasi oo laga doodi doono.

Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda Qaranka oo ka kooban 42 qodob ayaa waxaa ay Golaha Wasiirrada usoo gudbiyeen Baarlamaanka 19-March-2015 ayadoo guddiga Warfaafinta ee Baarlamaankana si rasmi ah loogu wareejiyey 17-June-2015 kolkaasi oo uu Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) akhrinta koobaad u hor tagay Baarlamaanka si waafaqsan qodobka qodobka 44aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka, si sharcigan uu dhaqan gal u noqdana waxa uu u baahan yahay iney soo ansixiyaan Baarlamaanka deetana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah.