Daawo Sawirada dad ku dhaawacmey Guri ku dumey Muqdisho.

0
711

Iyadoo xilligan lagu guda jiro waqti roobaadka, ayaa guryaha dhismahooda Khadiimiga ay yihiin ee ku yaallo Magaalada Muqdisho waxa ay yihiin kuwa halis gelin kara dadka ku nool.

Degmada Xamar weyne ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha ay ku yaallaan guryaha dhismahooda ay yihiin Khadiimiga, kuwaasi oo halis gelinaya nolosha reerka guriga degan.

Guri ku yaallo Waaxda Horseed laanteeda 2-aad ayaa wuxuu ku soo dumay reerkii deganaa maanta, iyadoo halkaasi uu ka dhashay Khasaaro dhaawac ah oo soo gaaray labo ruux oo ka mid ahaa dadkii guriga.

Sidoo kale waxaa bur buray alaabtii guriga reerka deganaa, maadaama dhismaha darbiga uu ku soo dumay.

Waxaa jirta cabsi kale oo la xiriirta guryo kale oo ku yaallo Degmada Xamar weyne inay soo dumaan, maadaama waqtiga roobaad lagu guda jiro guryahana ay yihiin kuwa dhismahooda uu duugoobay.

86310949_mourinho-533x300 Xamarweyne-1 Xamarweyne-2 Xamarweyne-3 Xamarweyne-4 Xamarweyne-5