Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Ajaanib dalka sharci daro ku joogtay

0
238

maxkamada

Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun ku riday 27 qof oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo ku eedeysnaa inay dalka ku joogeen qaab aanan sharci aheyn.

Dadkaan ayaa Tallaadadii la soo taagay maxkamada Gobolka Banaadir, iyadoo maanta lagu balamay in maxkamada Kiiskaan ay go’aan rasmi ah ka gaarto.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamada Gobolka Banaadir ay ku riday ajanibtaan.

“Maxkamadda markii ay dhageystay eedda xeer ilaaliyaha, oo uu keenay cadeymo sida Passport iyo taariikhda ay soo galeen, looyarkana aad u difaacay, dacawaddana 3-dii bisha illaa maanta oo Shan ay tahay Laba fadhi u fariisanay, maxkamadda waxa u cadaatay in dadkaasi 27-ka ah aanu wax fiiso ah inaysan haysan oo ay ku joogaan dalka sharci la’aan, ugana shaqeysanaayeen, qaladka iyo saxda waxaa laga fiirinayaa qofka markaa waxa uu ku sugan yahay ee uu haysto, dadkaan Viso ma haystaan mise ma haystaan, waxa loo haysto waa sharci la’aanta ay dalka ku joogaan, taasina wey caddahay dadkoo dhanna wey u cadaatay, maxakamadda waxay ku xukuntay dhammaan qof kasta oo 27-kaasi ka mid ah 10 doolar oo ganaax ah maalintii uu bixiyo intii uu sharci la’aanta dalka ku joogay, marka ay ganaaxa iska bixiyaan waa in dalka ay degdeg uga baxaan, shirkaddii ay u shaqeynayeen ee Laborlink waxay maxkamaddu ku ganaaxday 10 kun oo doolarka Maraykanka, waxaana meesha ku cad inay ku shaqeysatay dad aan sharci haysan” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir.