Odawaa: “Dadka Qamriga iyo Xashiishada ku isticmaala meelo MUqdisho ka mid ah uma dulqaadan doono”

0
582

Wasiirka-arrimaha-gudaha1-620x264

“Dalkan waxyaabaha haleynaya Alshabaab kaliya maaha, waxaa jira dad ku ciyaaraya qiimaha bulshada iyo sharaftooda”Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), “Waxaa jira dad Xashiishad iyo qamri si aan xishood lahayn ugu isticmaalaya meelo badan oo magaalada ka mid ah, waana in wax laga qabtaa”  ayuu yiri

“Qofkii gurigiisa kula dhuunta Wuxuu isticmaalayo (Qamri), cidna ma daba taagna, laakiin bulshada dhexdeeda in lagu isticmaalo, ma aha in aan ogolaano” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Curubo meeshii ay ku taaley iyo xaafado ku dhow dhow si aan gambasho lahayn ayaa marka maqribka laga gudbo loogu isticmaalaa maandooriyeyaal kala duwan” ayuu mar kale yiri.

Hadalkani ayuu wasiirka ka jeediyay kulan manta xilka uu kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, isagoo dhinaca kalena ka codsadey wasaarada dalxiiska in ay dedejiso dhismaha Hoteelkii hore ee Curubo.

 

Xafiiska Markacadeey.com, Muqdisho