Waa Kee Xidiga Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Caalamka ?

0
652

Marco-Verratti-Pictures-344x300Xidiga khadka dhexe ee kooxda PSG Marco Verratti ayaa xagaagii oo dha si weyn loola xiriirinayay inuu isaga tagi doono kooxdiisa PSG ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogay magaalada Paris ee uusan u dhaqaaqin koox kale.Isagoo la hadlayay Canal Football wuxuu yiri ” Waa wax wanaagsan in kooxaha waa weyn ay ku xiiseeyaan, laakin gabi ahaanba waa wax aan run aheyn in ay Madrid xiriir ila so sameysay, ma jirto koox ila soo xiriirtay, laakin aniga ayaaba ku faraxsan abaalna u haya kooxda PSG”
Marco ayaa intaa ku daray “Waan ku faraxsanahay inaan halkaan joogo, waa halka kaliya ee aan horumarkeyga kusii wadan karo, kooxdanan waxay aniga igu leedahay saameyn weyn waliba aad iyo aad”
Dhanka kale Xidigaan ayaa la hadlay xidiga ugu jecelyahay kuwa ay isku booska yihiin wuxuuna yiri ” Waxaa jira kuwo badan oo aad u fiican, laakin aniga aad ayaan u jeclahay daawashafa Iniesta, sida uu u ganbiyo, sida uu wax u dilo, sida uu u argagixiyo kuwa kasoo horjeeda waa wax aan la rumeysan karin, wuxuu dhaliyaa goolal, kuwo kale ayuu abuuraa, waa mid aan caadi aheyn Ugu danbeyn Xidigaan ayaa kula jir kooxdiisa qandraas dhacaya sanada 2019.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose