Diyaar garowgii u dambeeyay ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka socda Jowhar

0
398

JowharNadaafadWararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in diyaar garow xoogan uu ka socdo magaalada, kaasoo ku aadan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda magaalada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si xowli ah uga socday magaalada, iyadoo dadweynaha ku dhaqan afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada ay si mutadawacnimo uga sameynayeen xaafadahooda.

Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolkaba ayaa ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan nadaafada magaalada, maadaama ay ku soo wajahan yihiin wafuuda iyo ergooyinka ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa magaalada ka bilowday howl galo amniga lagu xoojinayay, iyadoo tallaabooyin cusub oo lagu sugayo ammaanka uu socdo.

Ciidamo isugu jira Boolis, Nabadsugid iyo kuwa Milateriga ayaa xaafadaha howl galo ka waday, iyadoo wadooyinka laga soo galo magaalada si aad ah loo kontaroolayay, dadka iyo gaadiidkana la baarayay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in howl galada amni ee ka socda magaalada aanu wax saamey ah ku yeelan dhaq dhaqaaqa ganacsi, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay magaalada Jowhar gasho is bedel amni, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa soo dhoweeyay marti gelinta shirka ee magaalada Jowhar, iyagoo filaya in ganacsiga uu xoogeysto, maadaama wafuuda imaaneysa ay ku soo kordhiyaan magaalada dhaqaale, sida hotelada la jiifto, goobaha laga cunteeyo iyo goobaha laga iibsado dharka.

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe oo maalin ka hor fagaare kala hadlayay dadka reer Jowhar ayaa ugu baaqay in martida u imaaneysa ay soo dhoweeyaan, isla markaana guryahooda u baneeyaan.

Jowhar