Faahfaahin: Ninkii iyo Haweeneydii dilka ka geystay Maraykanka oo la aqoonsaday haybtooda.

0
678

DIL-3

Boliska Maraykanka ayaa sheegay inay dileen Sayid Ridwaan Faaruuq oo 28-jir ahaa iyoTashfiin Maalik oo 27-jir ahayd, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyey Weerarkii xalay kda dhacay Xarun ku taalla Degmadda San Bernardino oo 100-KM dhinaca Bari kaga toosan magaalladda Loos Anjelis ee Gobalka Kaliforniya

Weerarkaasi waxaa lagu dilay 14 qof, laguna dhaawacay 17-kale oo 10 ka mid ah xaalladooda aad u liidato.

Labada Eedeysane ee geystay weerarkaasi  ayaa la tuhunsan yahay inay is-qabeen ama ay  ahaayeen Lamaanayaal isku calmanaa.

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISID WARAR KUL KULUL OO KU SAABSAN SOOMAALIYA

Taliyaha Boliska Degmadda San Bernardino oo lagu magacaabo Jarood Burguwan ayaa sheegay inuu Sayid Ridwaan Faaruuq ahaa shaqaale ku dhashay Maraykanka, iyadoo aan Tashfiin Maalik la aqoonin halka ay ku dhalatay.

Labada qof ee Weerarka geystay ayaa la sheegay inay wateen Labis u eg  dharka Ciiddanka, waxayna tacshiirad si saf-mar ah ula raaceen dadkii ku sugnaa Xafladaasi

WARARKA CIYAARAHA IYO AFLAAMTA HALKAN RIIX SI AAD U AKHRISID