Fannaaniinta Axmed Rasta iyo Hodan C/raxmaan ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaa soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta , Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, hoballada qaranka Waabari iyo dadweyne Soomaaliyeed.
Labada Fannaan oo kasoo kicitimay dalka Mareykanka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sammeeyay, waxayna xuseen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay ku noqdaan dalka Soomaaliya oo muddo dheer ay ugu dambeysay.
Fannaaniinta Axmed Rasta, Hodan Cabdiraxmaan, Idil Caddow, Iidle Yare iyo Xasan Cujeer Cajami ayaa waxay 31-ka bishan bandhig faneed ku qaban doonaan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotel-ka City Palace, waxaana bandhig faneedkan loo bixiyay Todobaadka Nabadda iyo Dib u dhiska dalka.
Xigasho: Siyaaso.com