Gudida Racfaanka Xiriirka K/Cagta Spain Oo Maanta Daraaseynaya Kiiska Real Madrid Looga Saaray Copa del Rey.

0
647

Bentez-and-Cheryshev-620x407

Gudida racfaanka ee xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa maanta daraaseyn doona dooda ay soo gudbisay Real Madrid ee ku aadaneyd in laga saaray Copa del Rey maanta.

Madrid ayaa laga saaray tartanka Copa del Rey ka dib markii ay garoonka soo galiyaan Denis Cheryshev kaasoo ay aheyd inuu hal kulan ganaax ku maqnaado ka dib casaan uu qaatay xilli ciyaareedkii hore.

Gudiga dishibiliinka xiriirka kubada cagta Psin ayaa go’aan ku gaaray inay tartanka ka saaraan Madrid iyadoo garsoore Franciso Rubio uu sheegay inaan marmarsiiyo loo heli karin in Cheryshev garoonka la soo geliyo.

Madrid ayaa racfaan ka qaadatay go’aankaas, iyadoo Los Blancos ay taariikhda iyo waqtiga la ciyaarayo lugta labaad ay weli ku qoran tahay website-kooda. Xiriirka kubada cagta Spain ayaanse garsoorayaal u magacaabin kulankaas madaama ay Madrid ka saareen tartanka.

Xubnaha gudida racfaanka oo kala ah Jose Mateo oo madax ua h, Carlos Gonzalez iyo Arturo Manrique ayaa daraaseyn doona dooda ay soo gudbisay kooxda ee ku aadan sababta ay u tahay inaan looga saarin tartanka. Garsoore Rubio ayaa hore u soo diiday dooda Madrid oo aheyd inaan ciyaaryahanka ama kooxda midkoodna hore loo soo ogeysiinin ganaaxa.

Haddii gudida racfaanka ay maanta go’aan ku gaaraan in Madrid laga saaro tartanka, Los Blancos waxa ay diyaar u tahay inay dacwadeeda u gudbiso maxakamada isboortiga caalamiga ah