Haweeney xayawaanada Xanaaneysa oo ka yaabisay dad ku dhaqan magaalo dhan. (Daawo Sawirada)

0
2405

caj4

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Janice Haley ayaa ku caanbaxday Geesinimo kadib markii ay dhaqan u yeelatay la dhaqanka xeywaanaadka sida shabeelka.
Haweeneydaasi ayaa waxa ay ku nooshahay magaalada Orlando ee Dalka Mareykanka waxaana hooygeeda usoo daawasho taga Kontameeyo shacab jiiraankeeda ah si ay u daawadaan Xeywaanaadkaasi.
Janice Haley ayaa xanaaneysata ilaa afar Shabeel oo lab iyo dhidig ah waxaana laba kamid ah lagu kala magacaabaa Janda iyo Saber kuwaas oo ay ku heyso guri ku yaalla magaalada Orlando.
Shabeelka lagu magacaabo Janda ayaa waxa uu yahay dhadig culeeskiisa lagu sheegay 400 pounds, halka Saber uu yahay lab 600 pounds culeeskiisa lagu sheegay.
Xiliyada qaar waxa ay la aadaa goobaha kale ee lagu xanaaneeyo Xeywaanaadka si ay u hesho dalxiis gaaban oo ay kusoo damaashaadan iyada iyo Xeywaanaadkeeda.
Haweeneydaasi ayaa waxa ay aad ula dheeshaa shabeelada arintaas oo dad badan ka yaabisay maadaama ay aduunka ku yaryihiin dadka dhaqaaleesta shabeelka.caj1 caj2 caj3  caj5

Markacadeey.com