Mareykanka oo Kenya uga digay Shabaab inay beegsadaan Masuuliyiinta ka qaybgalaysa Shir maanta Nairobi ka furmaya

0
805
timthumb (9)

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay soo saartay Digniin cusub oo ku aadan in Ururka Al Shabaab ay beegsadaan Masuuliyiinta Ka qaybgalaysa Shirka looga hadlaayo Ganacsiga Dunida.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Wasiirada Ururka Ganacsiga Dunida, waxaana uu ka furmayaa Magaalada Nairobi maanta, wuxuu socon doonaa Shirka ilaa 18-ka Bishan.

Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka Qoraal ka soo baxay ayaa Kenya looga digay weeraro ay Shabaabka la beegsadaan xubnaha Shirkaasi ka qaybgalaya iyo sidoo kale goobaha Bulshada ay isugu yimaadaan.

Mareykanka waxa uu sheegay Kooxaha weerarada ka geysta dalka Kenya ee Shabaab ka tirsan inay fursad u tahay inay beegsadaan masuuliyiintaasi.

“Goobaha Dadweynaha ay ku badan yihiin iyo shirka heer Wasiir ee Ururka Ganacsiga dunida waxay noqon karaan kuwo ay beegsadaan kooxaha argagixisada, muwaadiniinta Mareykanka waa iney feejignaan dheeri ah sameeyaan.”Ayaa lagu yiri qoraalka Waaxda Arimaha Dibada Mareykanka.

Waxaa kaloo Digniinta lagu sheegay in suuragal ay tahay Kooxaha inay beegsadaan Hoteelada waaweyn ee dalka Kenya ku yaallo, iyadoo Digniinta Mareykanka ka soo baxday lagu sheegay inay socon doonto Ilaa 22 Bishan December.

Digniinta ka soo baxday Dowladda Mareykanka ayaa ku soo aadeysa, xilli Shabaabka ay kordhiyeen weerada ay ka geysanayaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Shabaab ayaa dhowr mar weeraro ka fuliyay gudaha dalka Kenya, waxaana ug cuslaa weeraradii ay fuliyeen Shabaabka weerarkii Westgate iyo weerarkii Jaamacada Magaalada Gaarisa.