Odayaasha Dhaqanka Hiiraan oo diiday in Shirka Maamul u sameynta lagu qabto Jowhar{DHAGEYSO}

0
1257

Kulan ay maanta Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ay ku yeesheen Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay uga soo horjeesteen in Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe lagu qabto Magaalada Jowhar.

Odayaasha ayaa sheegay in ay  doonayaan in Shirka Maamul u sameynta lagu qabto Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan islamarkaana Dowladda Soomaliya ay ku deg deg tahay Shaacinta Arrintaasi.

Baledweyne ayaa waxaa maanta Gaaraya Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Cusub  ee Gobolka Hiiraan iyo kii hore ee Gobolka C/fitaax Xasan Afrax.

      wareysi-Ciise