LA OGAADAY: Rafa Benitez Oo 21 Line-Up Oo Kala Duwan Soo Safay 22 Kulan Oo Ay Real Madrid Xilli Ciyaareedkan Ciyaartay.

0
470

1450214567_464055_1450214640_noticia_grande-620x419

Rafa Benítez ayaa ku jira waqti xasaasi ah oo waayihiisa tababarenimo ee Los Blancos inkastoo uu kooxda u soo saaray wareega 16ka Champions League, hadana ka haritaankoodii Copa del Rey iyo weliba qaab ciyaareedka aan joogtada aheyn ee ay ku soo bandhigayaan La Liga ayaa keentay in tababare Rafa Benitez tooshka lagu iftiimayo.

Laakiin haddii si daacad ah loo hadlo waxaa sabab u noqon kara dhaawacyada kooxda iyo weliba isqabqabsiga la sheego inuu ka jiro qolka labiska. Real Madrid waxaa soo gaartay 16 dhaawac oo muruqyada ah durbaba xilli ciyaareedkan taasoo keentay in Benitez uu waayay shax 11 ka kooban oo uu si joogta ah ugu ciyaaro.

Waxaana ay taasi sabab u noqotay in 22 kulan oo tartan rasmi ah oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan (15 La Liga, 6 Champions League iyo hal Copa del Rey) inuu soo safay 21 shax oo kala duwan. 11kii ciyaartay kulankii El Clasico ayaana sidoo kale ku soo bilaabatay kulankii Betis waana marka kaliya ee uu 11 isku mid ah labo jeer isticmaalay.

Lixdii kulan ee ay ciyaareen Champions League wareegiisa group-yada, Rafa Benitez waxa uu go’aansaday inuu ku soo shirtago lix shax oo kala duwan.

Boosaska sida weyn isku bedbedelay waxaa ka mid ah daafaca oo 14 jeer isbedel uu ku dhacay 22kii kulan ee ay kooxda ciyaartay. Daafaca bahwadaaga ah ee Danilo-Ramos-Varane-Marcelo waxa ay isla ciyaareen kaliya lix jeer. Carvajal-Varane-Pepe-Marcel iyo Carvajal-Varane-Ramos-Marcelo waxaa iyagana la isla soo safay min labo jeer.

Dhanka weerarka, BBC waxa ay isla ciyaareen kaliya lix jeer 22kii kulan ee ay ciyaartay Real Madrid, 5 jeer waxaa isla ciyaaray Cristiano iyo Benzema, afar jeer waxaa isla ciyaaray Bale iyo Cristiano iyo sidoo kale Cristiano iyo Jese