Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
637

war-deg-dega121

Wararka aan ka helayno Nawaaxiga Isgoyska Dabka, gaar ahaan Agagaarka Saldhiga Degmada Waaberi, ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw uu ka dhacay Qarax lagu xiray gaari Kaarib ah.

Gaarigaan kaaribka ah ayaa la sheegay in uu wadada maraayay xilliga uu qarxaayay, waxaana saarnaa ruuxa Darawalka ah oo ku dhaawacmay Qaraxa, sidoo kale ruux kale oo shacab ah oo wadada dhinaceeda maraayay ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

Qofka waday gaariga ee Qaraxa ku dhaawacmay ilaa hada lama oga waxa uu yahay, sidoo kale ma kala cada in qaraxaan gaariga loogu xiray iyo in ujeed kale uu ka lahaa.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa Durba goobta ku soo yaacay oo xiray laamiga, waxaana goobta laga qaaday labadii ruux ee Dhaawaca ahaa.

Goobaha Caafimaadka ayaa lagu daaweynayaa labada ruux ee Qaraxa ku dhaawacmay, waxaana socda Baaritaan ku aadan Qaraxaasi.

Booliska weli faah-faahin kama aysan bixin qaraxaan goor dhaweyd ka dhacay meel ku dhaw Saldhiga Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Xafiis wareedka Markacadeey.com