Sawiro: Maanta gobolka Banaadir oo Shir aan caadi ahayn maantaa yeeshey, Maxay ka hadleen?

0
1421

Shir aan Caadi aheyn ayaa Maanta Waxaa Iskugu Yimid Dhamaan 27ka Degmo ee gobolka Banaadir Maamulka Sare ere Gobolka iyo Laamaha Amniga Gobolka Sida nabad Sugida iyo Booliska G/banaadir.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa In Dhamaan Maamulka Gobolka Banaadir ay ka Tashadaan Sidii Magaaladan ay Nabad u ahaan laheed Iyo Sidii Loo Celin lahaa Bilicdeeda Iyo kala dambentii ay Lahaan Jirtay.

Gudoomiyaha G/banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Kulanka Shir Gudoomiyey ayaa Hoosta ka Xariiqay In Magalada Muqdhisho ay Leedahay Madaxda Dhalinyaro ah oo U taagan habeen iyo Maalin in ay Wax ka qabtaan kana shaqeeyaan Hormarkeeda.

Sidoo Kale Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Jen.Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa sheegay In Wixi Maanta ka dambeeya Ay la yeelan Doonaan wadasheqeyn Gaar Ah Maamulka G/banaadir Sidas Si lamid ah ayaa isana waxaa sheegay Taliyaha Nabad sugida Goboolka Banaadir Col.cabdixakiin Farey Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Wacad Ku maray in aan Muqdsho Lagu arki karin Qashin Iyo Nadaafad kuna amray Laamaha Amaanka Gobolku in kala shaqeeyaan Sidii Magaalo Nadiif ah loo Heli lahaa.

gobolka gobolka1 gobolka2 gobolka3 gobolka4 gobolka6 gobolka7

Xafiis wareedka MArkacadeey.com