Wasirka Amniga Somaliya oo kormeeray Galbeedka Baledweyne, ka dib dagaaladii ka dhacay (SAWIRRO

0
2857

aminga3

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed iyo wefdigii uu hogaaminaayay, ee maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Baledweyne, ayaa maanta kormeeray goobihii lagu dagaalamay.

Wefdiga Wasiirka, ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinaayay Saraakiisha Ciidamada Dowladda, Amisom, Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Deegaanka. Xaafadda Hawlwadaag waxaa ku wada dagaalamay laba beelood oo walaalo ah.

Wasiirka, ayaa wuxuu beelihii wada dagaalamay uu ku booriyay inay nabadda ka wada shaqeeyaan, waxa kaloo uu sheegay in laga gudbay xiiligii dagaalka, loona baahan yahay in horumarka dalka iyo dadka laga wada shaqeeyo.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa xubnihii Wasiirka ku wehlinaayay kormeerkaasi, ayaa soo dhaweeyay xabad joojintii ay aqbaleen labada dhinac.

 WARARKA XASAASIYADA LEH EE MAANTA RIIX HALKAAN

Khamiistii, ayay ahayd markii xaafadda Hawlwadaag la geeyay Ciidanka Xoogga Dalka & Xoogaga Jabuuti, ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Dadkii ka barakacay xaafadaasi, ayaa waxaa loogu baaqay inay dib guryahooda ugu soo laabtaan, haddii dhinacyadii dagaalamay ay xabad joojinta dhaqangeliyeen.

aminga2  aminga5 amniga amniga1 amniga6

Xafiis wareedka MArkacadeey.com