Xoogag ka tirsan Shabaab oo gudaha u galay deegaan ku dhaw Magaalada Gaarisa, lana hadlay shacabka deegaanka

0
697

la

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa gudaha u galay deegaan ku dhaw Degmada Garisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyaga oo hadalo u jeediyay dadka deegaanka.

Ciidamada Shabaab ee gudaha u galay deegaanka Kambere, ayaanan la ogeyn inay ka gudbeen xadka Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan iyo sidoo kale inay kasoo baxeyn ciidankaasi Keymaha Boni oo fariisimo waaweyn ay Shabaabka ku leeyihiin.

Deegaanka Kambere, Qiyaastii 15-Km ayeey u jirtaa Magaalada Gaarisa ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana la sheegay ciidamada Shabaabka inay ahaayeen kuwa aad u badan.

Ciidamada Booliska deegaanka Kambere oo ka war helay inay Shabaab soo galeen ayaa halkaasi ka cararay, kadib markii ay naftooda u baqeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Shabaabka oo wajiyada u xiran yihiin ayaa Bulshada deegaanka Meel fagaare ah kala hadlay, waxaana ay uga digeen inay wada shaqeyn la yeeshaan ciidamada Booliska iyo Millateriga dalka Kenya.

Xubnaha Shabaab ka tirsan ee Bulshada deegaanka Kambere la hadlay, waxa ay u sheegeen sidoo kale inaysan bixin karin macluumaad ku saabsan ciidamada Shabaabka ee galay deegaankaasi tiradooda.

Dadka deegaanka oo aad cabsi xoogan dareemay ayaa Warbaahinta gudaha dalka Kenya u sheegay Shabaab inaysan wax dhibaato ah u geysan balse ay uga digeen inay la shaqeeyaan ciidamada.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli ciidamo badan oo Dowladda Kenya ka tirsan la soo dhoobay xuduuda Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan si ay halkaasi uga ilaaliyaan Shabaab.