Yuusuf Dabo-geed oo goor dhow loo magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

0
1176

daba-geedMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu Gudoomiye cusub uu u magacaabay Gobolka Hiiraan, iyadoona uu xilkaasi u dhiibay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa lagu soo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoona Digreetada xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, C/fatax Xasan Afrax,

XEER MADAXWEYNE LR. 87 TAARIIKH: 19/12/2015MAGACAABIS GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN

MADAXWAYNAHA J.F.S

Markuu arkay: Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

Markuu arkay: SharciLr. 116 ee soo baxayOgosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga Maamulada Degmooyinka iyo Gobolada Dalka

Markuu Tixgaliyey: Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee December 19, 2015 kunasaabsanxilkaqaadisGuddoomiyahaGobalkaHiiraaniyo Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Markuu garwaaqsaday: in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Gudoomiye cusub iyada oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamulada Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka si ay mustaqbalka u dhismaan Dowlad-Goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Qodobka 2aad

Waxa uu Xeerkaan u dhaqangelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonnaa Faafinta rasmiga ah ee Dowladda JFS.